|
Xukunkii EPRDF oo Gabogabo Ku Dhow Iyo Hardanka Dadyawga Geeska Afrika.
Geesk Afrika oo ah meelaha aduunka maanta ugu daganaanshaha iyo nabadgaliyada daran, waxaa kunool dadyaw aad ufarabadan. Qowmiyadahaa waxaa kamid ah taan kadhashay anigu ee soomalida. hadaba soomalida oo idil in aan kobtan kaga hadlo ma aha ujeedadaydu.
Dadyawga geeska Afrika waxaa baabiyay daganaansho laàn, dagaalo sokeeye, abaaro iyo colaado aan dhamaad lahayn dhibkaas oo dhan wuxuu salka kuhaya dowladxumo, maamulxumo, cadaalad dari, xoriyadla aan. Hadaba dadka soomaliyadeed ee dega dhulka lagumaysto ee Ogaden(soomaligalbeed) waxaa inaga intaa inodheer gumaystaha cadowga soomaliyeed-waa Ethiopia, ee gumaadka iyo dibindaabyada aan xadka lahayn inagu haya habeen iyo maalin. Shacabka soomaaliyeed ee gumaystuhu daashaday wuxuu halgan hubaysan oo Naf, Muruq iyo Maal badanba kubixiyay sidii uu xoriyadiisa usoo ceshanlahaa. Kobtan ma rabo inaan kufaadhfaadho sidii halgamadaasi ukaladaceen, dadkii waday, iyo natiijadii ay dhaleen. waayo waa xaajo balaadhan oon lagu soo koobi karin warqadan. waxaanse rabaa inaan dadkayga ku baraarujiyo halganka maanta kasocda Geeska Afrika ee umadaha kaladuwan qolo walba ugu jirto sidii sacoodu wayl udhali lahaa. Umadahaa dagaalamaya waxaa kamid ah Soomaligalbeed(Ogaden), Oromada, Xabashi, Tigre, Canfar, Eriteria iyo dadyow kale oo dano kale umadahaan.
Wadanka loogu yeedho Eethiopia waxaa maanta taladiisa haya qowmiyada Tigreega oo kamid ah qowmiyadaha yar-yar ee dega waqooyiga Ethiopia oo xuduuda la leh Eriteria. Amxaaro oo qowmiyad wayn ah sida layidhaahdo waxay noqotay libaax raq laga kiciyay oo raqda kama foga aad ayayna ugu rajawaynatahy in ay xili dhow talada wadanka lawareegto iyadoo kaashanaysa qowmiyadaha aad uyar-yar ee Ethiopia oo dhan sida walita, Gurage, Hadiya, Gambela iyo kuwo kale oo gashaanbuur ah. Qowmiyadaha yar-yari waxa ay Amxaaro uraacayaan waxay kayaaban yihiin in qowmiyadaha waawayn ay cagta mariyaan hadii nidaamku lumo - marka qowmiyada midnimada Ethiopia difaacda sida caadada ah waa Amxaaro sidaa darteed bay udugsanhayaan Amxaarada. Oromo aad bay ukacsantahay inkasto oo ay qaybsanyihiin oo awooda siyaasadeed ayna ka midaysnayn oo ayna meel kasoowada jeedin sida amxaarada. Haseyeeshee waa wax dhici kara inay markaliya umidoobaan TPLF markay arkaan tabardarida Tigreega oo sii koradha gudo iyo dibada Ethiopiaba. Maalinka ay Oromo umidowdo Ethiopiana waxaa kadhici "naa xaar ma ahee waa xangaydaan xaloo dhan soo dhex jiidhahayay". Oromadu waxay rabaan in mardanbe awooda Ethiopia aan lagu murmin oo hadii dimuquraadi wax lagu qaybsado iyagu ay yihiin qowmiyada ugu badan. Hadii ay xoog noqotana ay wax baadhbaadhaan.
Jimcaale Cisman
Talaado, 13.01.09
Waxaa cad oo qofna ka daahsoonayn in xukunka EPRDF uu wakhti dhow soo afjarmi doono - ugubadnaan shan Sano. Xukun diktator ah oo Afrika kataliyaba xili buu leeyahay uu fashilmo oo dhamaado- xiligii EPRDF waa inahayaa mardhow. Hadaba marxaladihii hore ee wadankan taliyayaasiisu xukunka kukala qabsan jireen maanta mataalo meesha. Sababo badan ayaana keenaysa in qowmiyad kali ah ay hadana talada wadanka lawareegin. Tahore Ethiopia Meles wuxuu uqaybiyay Gobol gobol ku salaysan qowmiyado taas oo keentay inay qabyaaladu naaxdo qowmiyaduhuna utartamaan sadbursi Tigreeguba hagutunwaynaadee. waxaa kale inforamtion age ayaa lagay oo waxa dhacaya dunida meelwalba wuu gaadhayaa saacado gudohood. waxay keentay inay dadku ku baraarugaan xuquuqdooda. waxay keentay inay dadku arkaan kaligii taliyayashii oo si cilmiyaysan looga takhalusayo.
Waxaa kale oo mihiim ah maanta oo ah maalinkii qowmiyadaha ku hoosdulaysnaa Ethiopia boqolkii sano ee la soo dhaafay ay ugu aqoonbadnaayeen, ugubaraargsanayeen(soomalida ma hubo).
Marka inagu hadaan nahay soomalida mugdiga gumaystaha Abisiniya uu kuxidhay xageebaan higsanaynaa? xaalkeenu ma naagtii tidhibaa lugtanay kolba nin ku qaad!. Maanta waxaa dagaalamaya ururka la yidhaahdo ONLF. Waxay dharbaaxooyin xunxun ku dhufteen gumaysiga dadka soomalida Ogaden daashaday. Waa rag iyo dumar soomaaliyeed oo uistaagay inay difaacaan xuquuqda dadkooda, dalkooda iyo diintoodaba. ONLF waxay soomalida qaarkeed kusheegaan inay yihiin qabiil ogadeen ah oo aan loo dhanayn halganka ay wado. anigu marabo inaan uqiilbixiyo ONLF laakiin waxaa cad oo infarta lagu fiiqo ubaahan inay ONLF tahay jabhad wadani ah oo ujeedadeedu tahay sidii aayo katashi iyo xoriyad ay soomalida gumaystuhu haysto uheli lahayd; xoriyad oo ah waxa ugu qaalisan ee shacab helaa oo deedna markaa qayrkood ulajaanqaadi lahayeen. Anigu waxaan kutalinayaa hadii aynunahay soomaligalbeed hadaynu qabiil wax kudiidi waxaa ina haystay kol Xabashi(Amxaaro), maantana waxaa inahaysta Tigre oo taasi markhaati uma baahna. Walaalyaal ma magac qabiil soomaliyeed oo walaalaheen ah intaan diidno ayaan ogalanaa mid aysamaysteen qowmiyada kale oo afrikaan ah. war magaca Ogaden waligii cid laguma gumaysanin, cidna laguma gumaysandoono. Hadii soomaliyeey aan gamcaha isqabsano waan kabaxaynaa gawsaha cadowga gumaysiga Ethiopia magac aan wada huwano oo dugsi dhaxanta celiya inoo noqdana waan la bixidoonaa. Maanta anigu waxaan kula talinayaa soomalida degan dhulkaa inay gamcaha isqabsadaan oo aad uhiilisaan ninkii soomali ah magackaste hawatee. Hadii kale barina waxaan sugnaa waa duul cusub(Oromo) oo magac shisheeye inoogu taliya abaalkeena wuxuu noqon gumaad, gunimo, gardaro, gaalnimo, geeri, gablan, gacan qaad, xadhig, xoriyad dari, xoog, xamag qabasho, xasuuq,xidid usiibid, xanuun, xero kugal, quudhsi, bahdil, barakicin, baahi, burbur, balaayo, dhabarjabin, colaad sokeeye, cimri gaaban, diindaro, umulo dooxid, dawdaro, dabayaal iyo danqasho aan dhamaanyanin.
Hadalka gunaandkiisu waxaa weeye xiligii afrika la qaybqaybinayay ayuu nasiib iyo hogaan la àan shacbigeena ku dhacday, waxay taasi ina dhaxalsiisay inaan boqolsano oo xadhig ah galo waxaase xaqiiq ah inaan maanta kala bixi karo luqunta mareegtii barigaa la inoo galiyay- waa hadiise wax garadka soomali galbeed uu:
1. garto dabaysha siyaasadeed iyo halganada qowmiyadaha ka socoda Geeska Afrika
2. waajibka ka saaran inay bulshadooda u sahamiyaan wakhti fiican inta ayna xeedho iyo fandhaal kala dhicin
3. ku booriyaan bulshadooda midnimda kuna baraarujiyaan soomalinimda iyo xuquuqdooda
4. ka shaqeeyaan u diyaargarynta maskaxda shacabka loona diyaargareeyo isbadal dowladeed oo kadhaca Ethiopia, kana duwanaanyo isbadaladii hore iyo inaan fadhiga daad dulaan ah ugu iman.
5. xooga, maskaxda, caqliga, siyaasada soomaligalbeed oo la mideeyo
6. qowmiyadaha kale ee wadanka kahalgamaya ee xoriyadooda iyo xuquuqdooda raadsanya oo la iskaashadaa- xataa kuwo aad meelaha qarkood aan kala ujeedo nahay ha ahaadaan ee. Markaan leeyahay la iskaashadaa waa sidii aan udadajinlahayn boqnagoynta gumaystaha.
7. fahantahaan in waxgaradkii qowmiyadaha kale ee Ethiopia uu isu diyaargaraynayo isbadal dhaca iyo sidii ay kayeeli lahaayeen.
Waxaan rabigay inooga baryayaa Xoriyad waarta, Nabadgaliyo, Sharaf iyo Cisi. Ilaahay walaaldeena Koonfurta ku dagaalamahaya qalbigooda ha mideeyo. kuwa Jabuuti, Somaliland iyo Puntland nabaday haystana Rabigay ha usiyaadiyo.
Waa Qalinkii Jimcaale Cismaan
ollewale@gmail.com
Nabadgaliyo
|