Wiilwaalkii Abaaqoroow:Culimada Waawayn ee u Dhashay Waddanka Ogaadeenya Maxay ooga hadli la'yihiin Al itixaadka Gaalada Itoobiya Isudhiibay?.

Bismillaahi raxmaani raxiim, waxaan halkan ka salaamahayyaa dhammaan dadwaynaha reer Ogaadeenya ee xorriyadda jecel, ee diidan gunnimada uu meles Zenawi nagu wado, maanta waxaan rabaa inaan ka hadlo, ururka Al itixaad ee qaatay dastuurka itoobiya, hogaamiyohooda sheekh ibraahim, oon wada ognahay ninka issagoo qaba shaadh tuute ah, ka dhex muuqan jiray mxaakiimtiina illaa Alatariya uu u racay, markastana reportiga siin jiray Xassan Daahir aways wax qabadka ururka Al itixaad uu ka qabto gobolka Ogaden, assagoo lasoo galin jiray websiteka qaadisiya iyo website yadii taageersanaa maxaakiimtii.
 
Waan wada ognahay sheekh ibraahim waddanka uu ka imaaday, wuxuuna iska dhigahayyay nin culuma ah oo ka dhiidhiyay shacabka ogaadeenya ee xasuuqa ba'an uu ku hayyo dhiigyacab Meles Zenawi, laakiin maanta ceebtiisa wuu ka wareegay, waa wax adduunkoodhan uu ka yaabay xittaa kuwwa uu isu dhiibay, waxaa kasii daran taageerayaashiisa Al itixaadka ah ee qurbaha jooga, xilligii aan aniga itoobiya taageersanaa een aadka u dagaalami jirnay aniga af iyo adinba, iyyagoo i dhihi jiray maxaad gaalada u taageertay, ma gaal baa tahay.
 
Maantana Yurub Maraykan meelkastay ka qulqulayaan oo aniga gaaladay igu caayayeen u galay, haddaba aan usoo noqdo culimada waawayn ee u dhashay waddanka Ogaadeenya een wada jecellahay, ee uu oogu horreeyo sheekh umal, sheekh abu Caynayn, sheekh Shiil, Sheekh Shibilli ilaahay ha wada xafido, sida sheekh asxaan maxay uga hadli waayeen oo yidhi dagaalka halgamayaasha ONLF waa dagaal sax ah, maxay iyyaguna uga hadli waayeen, waan wada ognahay shacabka Ogaadeenya cuna qabataynta, dilka iyo kufsiga ku socdo, maxay ooga hadli la'yihiin ururka Al itixaad ee is dhiibay, maxay muxaadaro u qaban la'yihiin, ay shacabkan maxaa biista lasiin dayn hayyo u arkaan in wax wayn uu qabtay, maxaabiistan oo kolka horaba dad la iska qaqabsaday ah, aniga waxaan u arkaa sheekh ibraahim inuu jaajuus wayn yahay, xittaa maxaakiimtii waagii kala jajabiyay in uu isaga ahaa, oo itoobiya hogaaminaysay, jaajuusiintii waawaynaa ee waagii la garan waayay.
 
Maantana siduu u jajabiyay maxaakiimtii Soomaaliya ayyuu rabaa inuu u dhantaalo halganka xaqqa ah, anu uma arko inuu yahay nin wax soo kordhin karo, marka sheekadaydana waxay ku socotaa, Al itixaadka waan wada ognahay daciifnimadooda e wadaadada culimada waa wayn ah, anoon culimada af lagaadaynaynin, ninkii culimada neceb ilaahay baa neceb, waxaan rabaa culimada inay caddeeyaan in dastuurka itoobiya in la raaco oo laqaato ay bannaantahay iyo in kale, itoobiya waa lala heshiin karaa laakiin waxa la heshiin karo waa raggii usoo halgama hayyay ee ka dhiidhiyay xasuuqa iyo kufsiga lagu hayyo shacabka, waa gunnimo diidka ONLF.
 
Adeer itoobiya hadday heshiis ogoshahay hogaamiyay leedahay ninka kor usoo qaaday halkanka dal iyo dibadba, waa geesiga Moxamed Cumar Cismaan, cidkastaba hogaamiyay leedahay, maxay u kala qaadayaan ONLF, heshiiskan waa qiyaano, intaa kaliya maa la fiiriyo, kuwo daciifiin ah oo waxaan arkay baryahan leh Meles baa ammaanay shacabka Ogaden, iyo Sayidkii, war Meles hadduu ammaanay Ogaden iyo hadduu amaanay Sayidka iyo hadduu ammaanay Somali wayn waxaa taa ka keenay Moxamed Cumar Cismaan, halgankeennii dhannaa maxaan ku baa bi innaa itoobiya waxay soo daysay maxaabiis iyo sayidkii bay ammaaneen, kolka horaba waa la ogaa Somaliya iyo meel kastaba waa la yaqaanaa taariikh bay lahaayeen halyeey Sayid Moxamed baa ka dhashay, halyeey Axmed Gureey, halyeey Sheekh ibraahim Cabdalla, halyeey Moxamed Cumar Cismaan, halyeey jaangoo oo taariikhda ay xusi doonto ee fanka heer sare geeyay, oo xittaa la qiimo ah kuwa xabadda ridahayya halyeeyadaa baa ka dhashay waddanka Ogaden, marka ilaahay baaba ammaan siiyay e Meles ammaan ugama ay baahna.
 
Culimadu miyayn indho lahayn, waa iyyaga maalin kasta dhul iyo dad aan waxba ka galin ka hadla e, miyaysan arkin xanuunka waa iyyaga maalinkasta Falastiin u duceeyee, inkastooy nagu leeyihiin haddana dadkaadaa wacdiga kaliya lama wacdiyee ducadana meelo kale loolama kaco e, iyyagaa kaaga baahan ducada, waaka waa la cunaqabateeyay ay dhahaan, kuwaanagana tittaa afka iyo indhaha iyo dhagahaba laga qariyay cirka, een saxaafad madax bannaan lahayn, horumar la aanta, custadii iyo biyihiina lagala diriray, magaalada Addis Ababa haddaad tagtaan inta gabadh ay soo kufsadeen ciidanka wayaanaha ee qoriga baynaadiisa meel walba ka galiyeen waad nixi oo lacag qaaraan ah tolku u guri.
 
Gabdhahaas oo reermiyi ah qaar baa aids laga helay, gabdhaha yaryar ee adhiga la jooga ayyay wayaanaha kufsadaan, magabdh yar oo aids qabta yaad waligiin aragteen mise maqasheen, waligeen nalama gumaysannin, gunnimo intaa la eg waligeed namasoo marin, sida ay wayaanuhu noo bahdileen kalama aanaan kulmin Mangistu iyo Xayle Silase iyo Minilik toona, wallaahay waddankii markaan soo arkay iyo xaqdarradii aan ka galay dadkayga habeenkasta intaan salaatullayl tukuado yaan ilaahoow iga cafi dhahaa xaqdarradaan dadkayga reer Ogadenia ka galay, waan ilmeeyaa.
 
Tigree waxaan u arki jiray dad lasoo gumaysan jiray oo ka xanuunsan cid walba oo gumaysi ku jirta, barigaan taageeri jiray, laakiin waa dad gunnimada ooga baxay inay dad gumeeyaan ,, shalay wixii ay diidanaayeen raba inaan qaadanno, kuwa itoobiya kusii qulqulaya indhohooda wax hakusoo arkaan, markaa ban sheekaysanaynaa, hadduuna itoobiyo cusub oo taan naqaanay ahayn ilaahay samaynin, waxaanan halkan ka cambaarayn maamulka Puntland oo xidhay Suldaanka absame, oogamana hadhi doono, arintaas waa inay ka bixiyaan xaal iyo xumayn, waa arrin quudhsi iyo ceeb ah, iyyaga qudhigooda waan soo taageeri jiray, wax loo dulqaadan doonana ma aha, haddayn jawaab cad ka bixinnin.
 
wabillaahi tawfiiq wasalaama calaykum waraxmatullaah.

 

Fikirka wuxuu ugaar yahay qoraha.

hanqadh@gmail.com