Abwaanada Sanadka 2009. Akhristayaasha shabakada www.hanqadh.com oo codkooda ku cabiray fanaanka ama fanaanada ay u dooran lahaayeen 2009 ayaa sadexdan hobol abwaan u codeeyay.

 kaalinta 1aad: maxamud cabdullahi ciise sangub. akhristayaasha u codeeyay abwaanka ayaa sabab uga dhigtay inuu yahay il maaxanaysa oo aan gudhaynin, waa halyay qaran soomaaliyeed, waa abwaan xeel dheer, waa madaale aan ka daalin inuu umadiisa u bidhaamiye dariiqa saxda ah, isaga oo ku cabiraya hal abuurka ilaahay hibada u siiyay.

kaalinta 2aad: saado cali warsame.(qalbinuura) akhristayaasha u codeeyay saada cali waxay yidhaahdeen marwalba saado dhinaca xaqa ama dulmanaha ayay la jirtaa, mana aha fanaaniinta ka cabsada in codkooda ku difaacaan markay timaado xaqa iyo baadilka. saada waxaa aad loogu jeclaaday heesaheedan:

1. laanguruusar gado soo bari galeey.

2.fooljeex (xasuuqii fooljeex)

3. ogaadeenya way xoroobi xaqiiqdii waa sidaas.

kaalinta 3aad: Axmed Naaji Sacad. akhristayaasha u codeeyay abwaankan ayaa yiri: ustaad axmed marna kama daalo inuu ka shaqeeyo isu soo dhaweynta iyo nabadeyna bulshada soomaaliyeed, wuxuu qaaday heeso badan oo uu soomaalida ugu baaqayo in ay dagaalka iyo burburka dalkooda ka daayaan.

Shabakada www.hanqadh.com waxay u hambalyaynaysaa sadexda fanaan abwaan ee shaqada ay dadkooda iyo dalkooda u hayaan darteed ku noqday abwaanada fanaanada 2009.

Shabakada www.hanqadh.com waxa kale oo ay u mahadnaqaysaa akhrisyaashii sharafta lahaa ee soo codeeyay.

daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha daraasaadka soomaalida.

hanqadh@gmail.com