|

Meeqaynu siisanaa dalka,Dadka & Diinta ?
waa salaan ujeedo xun ah, larabo in been loogu sheego inta ugu doqonsan, ugu damiir liidata ee soomaalida ogaadeenya,ujeedada ka dambeysana waa in sadexda ma huraan ee dalka,dadka & diinta laga beeciyo woyaanaha gumeystaha ah.
Kadib markii shacabka xornimadoonka ah ee gumeysidiidka ah goaansadey in xoroyadooda raadsadaan qiimo kasta oo ay ku kacdo, inta uu ka nool yahay shacabka ogaadeenya wiil ama gabadh, qaateena mabaadi,i sal adag, heleen hogaamin toosan oo taqaana sidii dadkooda heeryada gumeysiga looga qaadi lahaa, ku midoobeen mabda,a midnimo, mintid, iyo iskutashi allahu akbar, waxay ilaahay fadligiisa gaadheen guulo waaweyn oo dal iyo dibad ah, waxaa beenoobay wax walba oo wayaanuhu filayay in uu ku baajin karo ogaadeenya xor ah.
Taliska wayaanaha markii ay u xaqiiqowday in ayna suurta gal ahayn in uu hor istaago shacabka xornimo doonka ah ee onlf hormuudka u tahay, ayaa wuxuu bilaabay in uu raadiyo qof walba oo hunguri doon ah, xukun doon ah, caran ah oo aan waxba kala sooci karin si loogu burburiyo qadiyadii umadooda iyakana lagu siro balan qaad been ah.
Waxaa dhacday in dhamaan uu wayaanuhu amray jawaasiistiisii diinta ku gaban jirtay, marna jabhad sheegan jirtay ee uu hoosta ka wada amri jiray in ay soo xaroodaan si loogu isticmaalo probagaando la rabo in halganka xornimo doonka ah ee onlf hormuudka u tahay lagu curyaamiyo.
Wayaanihii markii dagaalkii looga adkaaday oo uu yaqiinsaday in aan la is hordhigi karin halganka xornimadoonka ah ee soomaalida ogaadeenya wuxuu naf biday in kooxihii uu amarka awalba siin jiray intuu soo uruuriyo oo shirar uu u qabto, universalna u kireeyo in ay ku sheekeeyaan beentii jawaasiista jigjiga, iyakoo sidii ilmo xalay dhashay ku hadaaqaya nabadu waa muhiim oo ay uga jeedaan gumeysigu waa muhiim waayo shacabka ogaadeenya nabada isagaa loo diiday ee awalba isagu nabad ma diidanayn. waxaan dhacday in webebka ay qoraan damiirlaawayaasha hunguri raacu in sawiro qaab daran oo fool xul oo la rabo dadka ogaadeenya in lagu siro in la soo galiyo oo la dhaho shir hebel ayaa halkaas ka dhacay, universal ayaa layska soo dayn oo tigreegu noo kireeyay, bbc meles ayaa lahadlay oo way na wayraysan i.w.m.
Waxaase marag madoonta ah in halganka ay hormuudka u tahay onlf uusan ahayn mid damaya inta ogaadeenya ka xoroobeyso shacabka ogaadeenyana waxaa lagama maarmaan ah in meel ay joogaanba u diyaar garoobaan marxaladan kala guurka ah ee wayaanihii daciifay in ayna u dabcin sheeka xariirta damiirlaaweyaasha u shaqeeya woyaanaha.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com |