|
 
Sheekh Xasan Daahir oo eed aan gar ahayn eedeeyay axmed sheekh maxamed islaam.
Axmed sheekh maxamed islaam oo ah sarkaal ka tirsanaa xisb islaam waxaa weeraray xili uu ciidamadiisii oo dhan u diray xamar si ay ugaandheyska u la diriraan kooxda alshabab, kooxda alshabaab wax ay ulahadhay may jirin axmad sheekh maxamed islaam iyo ciidankiisii iyakoo aan xeerin waxba, kuna goaan qaatay maanta oo kaliya sida in aduunka maalin kaliya yahay.
Sheekh xasan daahir aweys dagaalkaas balaaran ee lagu qaaday ciidamadii axmad madoobe iyo taageerayaashiisiiba meeshii uu ciidamo iyo taageeraba la garab istaagi lahaa wuxuu galay hoosaasin, dadka qaarkoodna waxayba ku fasirayaan in uu ahaa qorshe ay alshabaab iyo sheekh xasan daahir isla maleegeen si ayna awood axmed madoobe iyo sheekh xasan turki midna u soo bixin, sheekh xasan daahir iska daa hiilin ee wuxuu diiday xitaa in uu dhaliilo.
Suaasha dad badan is weydiinayaan ayaa waxay tahay sababtee xaq usiinaysa sheekh xasan daahir in saaxiibadii ama ciidankiisii uu hagraday ee cadawga shabaab ku daawaday in uu ku eedeeyo in ay cadowga dhulkooda qabsaday gaashaanbuur kasta u raadsadaan?
Axmed maxamed islaam iyo proff. gandhi waxaa mideeyay maanta danta dadka jubooyinka kii dantaas ka horyimaadana isagoo meel cidla ah fadhiya ayuu is arkayaa, waxayna ku qasban yihiin in ay u hogaansamaan danta guud ee shacabka jubooyina ee alshabaab soo barakicisay si degaanka jubooyinka loo xasiliyo.
Xasan daahir aweys iyo alshabaab maanta ha yaqiin sadaan in la soo dhaafay maalinkii jihaadka jahawareersan dadka soomaaliyeed lagu hoosaasin lahaa, waxaana la gudboon in miiska wadahadalka ay iska xaadiriyaan inta saaxiibo badan ama dhalinyaro badan oo soomaaliyeed qabuuro ku gali lahaayeen si micno daro ah .
daljir999@hotmail.com
hanqadh@gmail.com |