Baaq Gudiga Duqeyda Jubbaland ee U.K.

Baaqa Guddiga Duqeyda Jubbaland ee UK                               London, 11-07-2010

Guddiga Duqeyda Jubbaland ee UK wuxuu taageerayaa daadaalka xubnaha Guddiga Duqeyda Jubbaland ee ayagu ku sugan Kenya ay ugu jiraan hirgelinta barnaamijka mamul-u-sameynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ( Jubbaland ).

Sidoo kale ayuu guddigu ugu baaqayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka ee gobollada la soo xusey iney u istaagaan taageeridda howsha la soo tilmaamey gacanna ka geystaan ka-miradhalinteeda, taasoo ah mid ay xukuumadda Soomaaliyeed hore u qorsheysay, waafaqsan dastuurka qaranka Soomaaliyeed, wakiillada dadweynaha Jubbalandna ama odedhaqameeddu ay sii ambaqaadeen.

Qorshaha Maamulka Jubbaland oo hirgala waxaa loo arkaa inuu waxbadan ka taridoono guud ahaan sugidda amaanka iyo nabadgelyada Soomaaliya gaar ahaanna danaha dadweynaha gobollada Jubbaland, xasilinta siyaasadda dalka iyo sugidda ammaanka xuduudaha iyo nabad-ku-wadanoolas hada dowladaha deriska.

Waxey duqeyda jaaliyaddu caddeynayaan iney ka horjeedaan falkastee ka hor-imaanaya arrinkani la soo xusey iyo cidkastee aan waafaqsaneyn meelmarintiisa oo si toos ah ama si dadban uga ficilloota.

 


Guddiga Duqeyda Jubbaland ee UK.

 

xigasho: www.jubbalanddf.net

 

hanqadh@gmail.com