Cambaareyn: Falalka dilka,dhaca, ee kooxda alshabab kawado degaanada jubooyinka.

 Golaha Qurbajoogta Jubooyinka wuxuu cabaareynaa kooxda alshabab falalka foosha xun, xadgudubka iyo tacadiyada ay kula kacayso dhamaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba gaar ahaan falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaanda jubooyinka.

Waxaa xusid mudan falalkii argagaxa lahaa ee ka kala dhacey degmooyinka Dhoobley iyo Diif.



Tariikhdu markey aheed 25.02.2010 kooxda alshabaab oo magaaladaDhoobley ku dishey oo saddex qof oo rayid ah labona ay xabad ku dileen midna ay gawraceen.

Sidoo kale tariikhdu markey aheyd 27.02.2010 kooxda alshabaab waxey aroornimadii weerareen tuulada Diif iyagoo u geystey shacabka magaalada ku dhaqan falal iskuugu jira dhac, jirdil baahsan ayna ku qasbeen in ay banaanka taagnaadaan laga bilaabo 10.00kii subaxnimo ilaa 6.00dii makhribnimo, iyada oo 9 qof ka qafaashey magalada halka qof dhalinyaro ah oo ay soo gawraceen haddana bartanka magaalada soo dhigeen meydkiisii oo madaxa ka go’an yahey.

Falalkan argagaxa leh ee lagula ka kacey shacabkeena jubooyinka iyada oo wax sharci ah u mareyeynin ama diintii ay sheeganayeen xitaa aan ku simin oo sidii mooryaantii u dhaqmaya.

Golaha Qurbajoogta Jubooyinka waxaa uu tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyed meel kasta oo ay joogto iyo shacabka jubooyinka gaar ahaan eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu diley magaalooyinka Dhoobley iyo Diif, waxaana ilaahey uga baryeynaa in uu janadii fardwosa ka waraabiyo dhaanteenana samir imaan ilaahey naga wada siiyo amiin.

Gabagabadii Golaha Qurbojoogta Jubooyinka waxaa uu uga digeyaa maamul ku sheega jubooyinka in hadii uu ku sii socdo falalkan waxashtinimada leh ee uu ku hayo shacabka jubooyinka uu Dambarsan doono Cawaaqib-Xumada ka dhalata ficilka noocan ah ee ka baxsan, Xeerarka Caalamiga, Xeerka Soomaaliyeed iyo Xeerka islaamka intaba.


Golaha Qurbojoogta Jubooyinka.
Info@jubbalanddf.net