Gudoomiye ku/2aad Cadani oo u waramay aljazeera.net

Guduumiye Ku Xigeenka Labaad ee Jwxo oo Waraysi Siiyay shabakadda AlJazeera.net

Mudane Cadaani Hirmooge, Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Jabhada ONLF ayaa waraysi taabanaya dhinacyo badan siiyay shabakadda wararka ee aljazeera.net maalinimadii shalay Cadaani ayaa wuxuu ka hadlay Dagaalada ka socday maalmahan Ogaadeeniya sidoo kalana ka warbaxiyay Digniinaha Shirkadaha Shidaalka ee ka Qodaya Ogaadeeniya, Warbaxinta Cadaani ayaa waxay u dhacday sidan.

Mudane Cadaani ayaa sheegay in Ciidamada Jabhada ONLF weerar xoogan ay ku qaadeen 3 saldhig oo Ogaadeeniya ku yaala mid ka mid ahna ay ilaa hada Joogaan wuxuu kaloo raaciyay hadalka in ay ka furteen hub casri ah Ciidamada Itoobiya sidoo kale qalab iskugu jira Isgaarsiin gacantana ay ku dhigeen qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiya.

Mudane Cadaani ayaa ka warbaxiyay Shirkadaha Shidaalka kuwaas ku sheegay inay gacan siinayaan Talis dhiig yacab ah sidoo kalana ay xaalufinayaan dhirta wuxuuna farta ku fiiqay in Khayraadka Dabiiciga ah ee Ogaadeeniya ay leeyihin Ummada Soomalida Ogaadeeniya ilaa fasax ay ka helaan dadka aysan xaq u lahayn Dowlada Itoobiya inay qodo.

Wuxuu ooga Digay dhamaan Shirkadana inay ka laabtaan Hishiiska ay la galayaan Dhagar qabayaasha Dowlada Itoobiya hadii kale ay masuul ka noqon doonaan waxa ku dhaca, Mudane Cadaani ayaa sheegay inay Shirkadahan ku tusaale qaadan Dhacdadii 2007.

Isku soo Duub duub oo Cadaani ayaa sheegay in Awooda Ciidan, Moral iyo Dhaqaale ee Ciidamada Itoobiya ay maanta liidato, meesha maalin walba Ciidamada ONLF ku soo darsamaan dad badan Moral ahaan iyo tooba bar ahaan Ciidanka ONLF meesha oogu sarayso marayo.

ONA

 

hanqadh@hanqadh.com