|

Shirkii Codka dhalinta Ogaadeenya ee Norway oo Maanta si Habsami leh u dhacay.
Waxaa maanta oo ahayd taariikhdu ahayd 27.06.2009 lagu qabtay caasimada norway ee oslo shir lagu maamuusayay sanadguuradii kasoo wareegatay maalinkii la aasaasay ururka codka dhalinyarada soomaalida ogaadeenya.
shirkan oo ay kasoo qaybgaleen xubnaha ururka codka dhalinyarada soomaalida ogaadeenya iyo dhalinyaro marti ahayd oo reer soomaaliya ah. ayaa ugu horeyn lagu furay aayadaha quraanka, kadib waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyihii hore ee dhalinyarada c.wali soomaane oo ka sheekeeyay waxyaabihii ururka u qabsoomay mudadii uu gudoomiyaha ahaa waxaa kale oo lagu soo dhaweeyey mikarafoonka gudoomiyaha cusub ee codka dhalinyarada soomaalida ogaadeenya mudane cabdiraxmaan buubaal.
waxaa kale oo shirka ka hadlay marti sharafyo kale oo badan iyo maamulka jaaliyada soomaalida ogaadeenya sida ku xigeenka hogaanka arimaha jabhada max,ed yuusuf,gudoomiyaha jaaliyada soomaalida ogaadeenya max,ed dheeg,haganto hodan, iyo sahro ismaaciil & aqoonyahan cabdirashiid gooni, waxaa kale oo madasha shirka ka hadlay abwaanka dhalinta mustafe oo loo yaqaano (daacad).
shirka ayaa ku soo gabgaboobay si farxadleh oo ay dhamaan dhalintu raali ka wada ayeen iyo ka soo qaybgalayaashii waxaana ugu dambeyntii lagu soo khatimay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka soomaalida ogaadeenya ee dhaantada & heeso ay ku luuqaynayeen abwaan jaango iyo xaawo luul.
shirkuna waxuu ku dhamaaday guul iyo is afgarad.
hanqadh@hanqadh.com |