Culimadii Ogaadeenya Yaa arkey?:

 Suaashan waxaa isweydiinaya kumanaan soomaalida ogaadeenya ah kadin markii ay arkeen dhibka dadkooda iyo dadkooda lagu hayo,dhamaan qaybihii bulshada ee kala duwanaana ay wada halgamayaan ayaa waxaa kaalintoodii laga waayay culumadii kasoo jeeday ogaadeenya, tolow xagey jiraan? maxay dadkooda ugacan siin la,yihiin?

  Culimadu Waa  sadex koox:

 1.culumada kuwo waa culumo dhab ah oo diinta ilaahay sifiican u yaqaana aqoonteediina leh waaqiciga caalamkana la socda . waxaa culumadan kamid ah 1.sheekh shariif cabdinuur 2.sheekhnuur baaruud iyo kuwa badan oo xubno onlf ah xaqa kama xishoodaan shilin iyo soomaali amay cadha galisaana ma dhahaan qadiyada waa xaq yay lasoo taagan yihiin iyakoo og kitaabka iyo sunada.

2.culimadu kuwo waxaa jira og onlf inay xaq tahay og dadkoodiina in la xasuuqi og laakiin waxaa ay ku xidhan yihiin oo uga muhiimsanaaday in ay xaqa sheegaan damacoodii aduun, kooxdan waa kuwo iska gada shacabka soomaaliyeed marka ogaadeenya hadey taageeraan waxay ka yaabi in ay magacooda waayaan, markay ducayn hayaan waxay u duceeyaan shiishaan iyo falastiin, iyo afganistaan hooyadii iyo aabihii inuu u duceeyana wuu kala bakhaylaa isagoo og, diinteenu soo ma ahayn qofka haduu ka dhiidhin waayo dilka walaalkii,aabihii, hooyadii, iyo riximkii, waa dayuus?mise diinta meelo kale ayay ka raacdaan oon kitaabka iyo sunada ilaahay ahayn? cilmiga shariif cabdinuur & sheekh nuur baaruud aqoonin xagey ka keeni? hadase culumadii soomaalidii kale oo dhan iyo soomaali onlf way taageereen ee maxay kooxda ducada waalidkood kala bakhayla maxay sameyn doonaan?.

3. kooxdan sadexaad waa kuwo ma gudbayaal layidhaahdo waligood khaladkooda wax  kama bartaan, sida iyakoo waalan ayay hal khalad 10 jeer kusoo cel celiyaan, diinta ayay dadka ka horkeenaan. in aqoon dari iyo fududayd ka tahay lama yaqaano, waxay gees maraan dhamaan xigmadihii nabigeenii suubanaa csw nooga tagay oo ahayd in "dagaalku xeel yahay" awoodaada aad taqaano, talaabo kastana aad wakhtigeeda qaado. dadkana aad kula dhaqanto dabeecad wanaagsan, way moogyihiin aayadii ilaahay nabi muxamed csw ugu sheegayay "muxamadoow kuwa hareerahaaga way kaa tagi lahaayeen hadii aadan u dabacsanaateen" kooxdan sadexaad dhibaato badan yay halganka iyo qadiyada ogaadeenya isku dayeen in ay kula kacaan laakiin ilaahay ayaa fashiliyay, takale shacabka soomaalida ogaadeenya waxuu ku qancay diin iyo xaqnimo hadayba ina kownkan ka jirto in ay tahay tan ay onlf wado ee maalinkasta horumarka ku gaadhayso.

gunaanadkii: culimada soomaalida ogaadeenyaay masaajidada aad islaamka tujisaan hooyadiin iyo ehelkiin in alle dhibka ka qaado uga soo duceeya, ilaahaybaa laga cabsadaa ee shilin iyo aduun ha uga xishoonin in dhibka qoyskaaga haysta aad u duceyso inta wadano waxa haysta aydan aqoon u ducaynaysaan.

 

hanqadh@hanqadh.com