|

Falanqaynta Dagaaladii Jubooyinka. dagaaladii todobaadkan ka dhacayay degaanada jubooyinka, khasaarihii ka dhashay iyo sida hada xaalku yahay.
Waxaa baryahanba ay kooxda alshabab waday dagaal daandaansi ah oo ay ku qaadaysay difaacayaasha shacabka jubooyinka, ciidanka shacabka markuu arkay in kooxdan caqliga ka aradan ee shabab ayna daandaasida daynaynin ayay waxay goaansadeen inay cashir u dhigaan.
ciidanka difaaca shacabka ayaa shabaabka hadba meeshay soo weeraraan mooyee weerarayay meesha ay soo baylihiyaan, alshabab oo wax sumcad iyo taageerayaal ah aan kulahayn degaanka jubooyinka ayaa ku jahawareertay khidada dagaal ee ay u dhigeen difaaca shacabka jubooyinka.
dagaalkii shalay ee ka kala dhacay dhooblay iyo diif ayay alshabab soo gaadhay dhimasho & dhaawacyo aad u badan, waxaa alshabab lagaga dilay dagaaladii shalay 32 askari oo ay ku jiraa saraakiil sarsare,waxaa kale oo alshabab laga qabsaday 5 gaari dagaal iyo 3 kuwa raaxada ah.
ciidanka difaaca degaanka ayay wararku sheegayaan in 2 naftii hure ka shahiiday meesha ila 8-10 dhaawacyo kala duwan soo gaadhay.
ciidanka degaanka jubooyinka wuxuu magaalada soo weeraray hadhkoo cad si alshabaab loogu bidhaamiyo in ayna awood iyo karti ku hor istaagi karin.
waxaan idiin soo gudbin doonaa insha allah qorme kale oo aan kaga hadli doono sida hada xaalku yahay lasoco www.hanqadh.com |