|
War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhay xarunta JWXO ayaa sheegaya in usbuucan ay dagaalo culus ka dhaceen ogaadeeniya. Dagaaladaas oo ka kala dhacay magaalooyinka Birqod, Wardheer, Dhabo-cilmi oo ka tirsan Qabridahare, Gabagabo iyo musatxiil oo gabi ahaanba lagaga wareegay cidamadii gumaysiga.
Dagaaladu waxay u dhaceen sidan.
- Magaaladda Birqod waxaa ciidamada cadawga lagaga gubay lix gaari iyo wixii saarnaa - Magaaladda Wardheer waxaa lagu gubay Hal gaadri iyo wixii saarnaa. - Qabri-dahare- Dhabo-cilmi Waxaa lagu gubay laba gaari iyo wixii saarnaa - Magaalada Mustaxiil gabi ahaanba waa laga saaray cadowgii, wixii yaalayna JWXO ayaa la wareegtay. Kadib sida caadada u ahayd ciidamadda wayaanaha waxay laayeen dadkii degganaa seddex tuulo oo u dhow magaaladaas ayadoo dadkii kaqaxay ay gaadheen Somalia oo ay u warameen Saxaafadda. -Gabagabo waxay ku dileen Ciidamada Tigreegu seddex qof oo shacab ah kadibna waxaa weerar ku soo qaaday CWXO oo aaga ka dhowaa waxayna ka dileen ciidamada cadawga 30 askari intii kalena firxadkoodii weli waa la ugaadhsanaaya.
Wixii faafaahin ah dib ayaan ka soo sheegi doonaa. ONA ogaadeeniya
hanqadh@hanqadh.com |