|
War degdeg ah: kulanakii Tafatire daljir iyo yasin cabdi jire(wiilwaal).

anigoo ah Tafatiraha Shabakada hanqadh ee arimaha soomaalida daljir ayaa waxaan kula kulmay yasin cabdi jire caasimada 3aad ee sweden(Gøtenborg).
Qisadii daljir iyo yaasiin:
daljir: waxaan ka nimid mudaaharaad anakoo ku soo mudaaharaadnay sidii kaligii taliye meles senawi maxkamad caalami ah loo keeni lahaa isaga iyo dambiila yaasha qaybta ka qaata xasuuqa dadka rayidka ah ee soomaalida ogaadeenya, aad ayaan u faraxsanayn sida aan waajikii mudaaharadka usoo gudanay, dhaantadii halganka ee fanaan jaangow, qosolkii iyo farxadii, iyo sida aan isugu tirtirsiinaynay inaan dadaal dheeri la nimaadno si aan gumaadka shacabka soomaalida ogaadeenya durba loo soo afjaro.
Daljir: Waxaan soo galay wakhti casar gaabad ah xaafad soomaalidu ku badan tahay oo gøtenborg kutaala senterkeedii... waxaan wadanay calankii soomaalida ogaadeenya waan ku faanaynay farxad aad u weyna way naga muuqatay, dadku markay naga yaabeen ayaa waxay bilaabeen in ay nala farxaan iyakana, wiil kamid ah dhalinyaradii mudaaharaadka aan iskala nimid ayaa i yiri yaasiin ma garanaysid miyaa daljir? maya ayaan ugu jawaabay waa kii abaaqoroow qori jiray ayuu ii raaciyay, halmar ayaa cadho aad ah i qabatay, waayo waxaa i horyimid sidii uu meles zenawi oo dadkiisa xasuuqaya xafiduhu allah ugu dhihi jiray shabakadiisii abaaqoroow.com, waxaan goaansadey in ayna sheeko na dhexmarin, salaantii aan aqoon la,aanta u salaamayna aad ayaan uga shalaysanaa, waxaan uurka iska waydiinayay ma la hadashaa khaladaadkiisii uu ummadda iyo dalka ka galay ma u sheegta hadana waxaan hoosta iska lahaa maya .
daljir: waxaa dhacday in yaasiin gurigii nalagu soo dhaweynayay uu noo raacay anigoo yaaban oo leh maxay ninkan noo daba wadaan ma inaan isku dambaabno ayaa la rabaa ayaa waxaa ilaahay ka hadashiiyay yaasiin oo nooga sheekeeyay ogaadeenya waxa ka jira, gumeystaha itoobiya, khaladadii uu dalkiisa iyo dalkiisaba ka galay ee uu gumeystaha uga hiiliyay, waxaa kale oo uu noo cadeeyay sida uu diyaar ugu yahay in ogaadeenya af iyo adinba uu ugu dagaalamo.
Daljir:intaas markay afkiisa ka soo baxday yaasiin waxaa is bedelay dareenkeygi, waxaa iga baxay nacaybkii, iyo yasidii aan yasayay yaasiin in uu i agfadhiyo ninka dadkiisii iyo dalkiisii tigreega ka raacay, waxaana hoosta iska idhi ninkii rag ah ayaa is daba qabta, ninkan waxbuu waagii hore is tusay markuu arkay in wixii khalad ahaana wuu ka soo noqday, waxay muujinaysaa raganimadiisa iyo mawqifkiisa.
Daljir: yaasiin fadhigaas wuxuu iga codsaday in aan faafiyo fikirkiisaa uu dalkiisa iyo dadkiisaba cafis ku weydiisanayo, kuwa isaga la midka ahna uu leeyahay halgankiina iyo qadiyadiina soo raaca tigree amaan iyo jaceyl midna waxba uga heli meysaane, wuxuuna balan qaaday in dagaalka uu u galo xoreynta dalka iyo dadka ogaadeenya intii karaankiis ah in mudo badan laga sheekeyn doono.
f.g. anigoo ah daljir qoraha maqaalkan lana kulmay yaasiin waxaa sheekada dhinacayga inaan soo qoro igu xambaaray markii shabakada ogadentoday oo gacmo dheer warkiiba intaana diyaarin iga soo hordaabacday inshaa allah yaasiin oo waraysi iyo muqaal ahba filo wakhtiyada soo socda.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com
|