Jaaliyada Denver oo Kulantay. 

taariikhdu markkay ahayd 27/2/2010 ayaa waxaa shir muhiim aha isugu yimid jaaliyada Ogadenia ee denver, Colorado iyo Jaaliyada Oromada ee gobokaas.

Shirkaas ooy kasoo qayb galeen xildhibaano  ka tirsan Colorado state, kuwaas ay kamid ahayeen. Colorado state senator  Chris romer, former governor of Colorado roy romer  iyo madax badan  oo katirsan gobolka Colorado. iyagoo aad uga hadlay  tibaaxayna dhibaatada uu guumaysigu ku hayo gobolka Ogadenia. 

Xildhibaanadaas oo balan qaaday inay hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin jaaliyadaha ogadenia. shirkan oo ku dhamaaday jawi macaan oo labada dhinacaba la isku fahmay ayaa waxaa halkaas loogu soo bandhigay xildhibanadii  kasoo qayb galay hido iyo dhaqankii ay soomalida Ogadenia leedahay oo isugu jiro dhaantooyin iyo gabayo.

by Rooble

 

hanqadh@gmail.com