|

Dhibanayaasha Ogaadeenya.
sida sawirkan idiinka muuqata waa dhibane soomaalida ogaadeenya oo woyaanuhu jirdil bani aadminimada ka baxsan ku sameeyay, sida ka muuqata waxuu u dhashay qurux laakiin sidii loo jirdilayay yuu sidaan noqday.
wiilkan lowgiisa waa dab ay ku gubeen ciidamada wayaanaha markii reer koodii oo dhan dab la qabadsiiyay.
waaka sawirkii oo wayn

sida sawiradan idiinka muuqda dadka rayidka ah wayaanuhu meel aan jilbaha ahayn kama garaaco iyo meel ayna dib dambe nolol u arag.
muwaadinkan rayidka ah wiilashiisii wayaanaha ayaa laayay kadib isagana ilkihiisa mid mid ayaa loo saaray waxuu nool yahay nolol ay geeriyi dhaantay laakiin dadkiisa qaybsan een mid noqonaynin een heryada ka qaadaynin yaa dhibkaas baday.
sawirka caruurtan waa agoon iyo rajay waxay la joogaan dad iska qaraabo qansax ah kadib markii ehelkoodii la tirtiray wax umaqan oo ilaahay ahayn ma jiro.
waxan aad aragtaan waa jirdilka cadawnimada ah ee shacabka aan wax u hadli jirin lagu hayo.
sawiradan ama xasuuqan waa waxa ugu yar ee aad aragtaa ogaadeenya waa cadaabkii aduunka oo aan wax ka warqabaa ama ka naxayaa jirin marka laga reebo jwxo oo intii karaankeeda ah isku dayaysa in ay soo afjarto xasuuqan.
ayaan darada nahaysata waxan oo dhib ah ama duruuf ah oo na haysata mid cawska cuna oo doorasho ama kursi ama xeer iyo wax aan waaqica la socon ku mashquulsan yaa naga buuxa oo dadkii dadka badbaadin lahaa kala qaybin iyadoo dhibkoo dhana yahay in bulshada ogaadeenya qofka xaqeeda ku xadgudba ayna dhihin war joog ama aan talaabo ka qaadin.
shakhsigu ummaduu qaybin waa layska salaami oo la takoori maayo ama loo caqli celin maayo, bal doqon aan waad khaldan tahay ladhihin siduu khaladka abidkiis uga bixi ?
dhibka isqabasho xumida soomaalida ogaadeenya waata natiijadeedii iyadoo sawiro ah.
si dhibka ummadda looga bixiyo waa in shakhsi walba waxii karaankiisa ah si joogta ah u qabto wax aan wax wanaajin ahayna aynaan wakhti u helin.
hanqadh@hanqadh.com
|