Wargelin Muhiim ah Jaaliyada Minisota:

OGADEN AMERICAN COMMUNITY ASSOCIATION OF USA

June 4, 2009

Ku: Dhamaan Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya Minnesota

Og: Ugaasyada Soomaalida Ogaadeenya Minnesota

Og: Cuqaashta Soomaalida Ogaadeenya Minnesota

Og: Ururada Hooyooyinka & Dhalinyarada

Og: Waxgaradka Soomaalida Ogaadeenya Minnesota

Og: Siyaasiinta & Odayaasha Soomaalida Ogaadeenya Minnesota

Og: Indheergaradka Soomaalida Ogaadeenya Minnesota

Ujeedo: La Socodsiin Muhiim ah

Xafiiska Ogadedn American Community Association of USA, Wuxuu dhamaan laamaha bulshada Soomaalida Ogaadeenya ee Gobolka Minnesota lala socodsiinayaa inay gobolka ku sugun yihiin laba shaqsi oo bulshada midnimadeeda iyo danaheeda lidi ku ah kana yimid Europe inay ku sugan yihiin Gobolka Minnesota. Labada shaqsi oo kala ah Saalaxdiin Macow iyo Cabdi-weli Xuseen Gaas oo dambiyo ay galeen ururka ONLF looga saaray dhawr sano ka hor ayaa sheeganayaan inay yihiin Xubno ONLF ah. Isla mar ahantaas koox canaasiira oo ree Minnesota ahi ay shir u qabanqaabinayso,

sidaas darteed, waxaan dhamaan laamaha bulshada Soomaalida Ogaadeenya ee Minnesota lagu wargalinayaa inay ka digtoonaadaan kooxdan oo shirqoolo Cadawga Ummada Soomaalida Ogaadeenya danihiisa ah fulinya. Dhinaca kale, Ma jiro wax Shirsanadeed Jaliyadeed Sharciga waafaqsan oo Minneapolis ka dhici doona June 6, 2008. Cadawga Ummada hadba shaadh ayuu ummadda u soo gashadaa, maantana shaqsiyaad bulshada ka dashay oo jahawareersan ayuu isticmaalayaa si loo wiiqo Midnimada, iyo karaamada shacbiga Soomaalida Ogaadeenya.

Waxaa inoo dardaaran ah in laga digtoonaado Cadawga iyo Cadow kalkaalada, lana ilaaliyo midinimada iyo danaha bulshada Soomaalida Ogaadeenya meel kasta oo ay kaga sugantahay caalamka. Wixii akhbaar dheeraad ah ee ku saabsan Kooxdan xadhkaha xumaanta maleegaysa kala soo xidhiidh masuuliyiinta Jaaliyada:

Maxamed Axmed Daahir; 612-978-9465; Abdi Aden (Abdi-dheere); 952-846-7050, iyo Haweeya Xirsi Mahad; 651-500-1485

Maamulka Xafiiska Ogaden American Community Association of USA, Minnesota, Minneapolis.

310 East 38th St. Suite B, Minneapolis, MN 55409 Tel: 612-250-1530, Fax: 612-821-2321, E-mail: Gobguul@gmail.com |

 

HANQADH

Minesota