|
Banaanbaxyadii lagaga soo horjeeday cunaqabataynta la saaray shacabka Eretreeya
HANQADH FEB23/10 : Ka soo horjeedka xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa laga hordhigay banaanbax si weeyn ay u soo agaasimeen jaaliyadaha Eretria ee dalalka Yurub oo boqolaal bus ku kala yimid. Waxaa lagu qiyaasay tiradooda inay kor udhaafaysay toban kun. Jaaliyadaha Ogaadeenya oo ka kala Denmark, UK iyo Switzerland ayaa iyaguna goobta mudaaharaadka taagnaa. Waxaa hor kacayey jaaliyadaha Ogadenya ee mudaaharaadka Geneva ka qaybgalay Gudoomiyaha HAD Mudane Maadeey, Mudane Ileeye, Gudoomiye Tamuuje, mudane Raabi Dheere iyo gabdhaha aan daalin ee Marwo Xaliimo iyo asxaabteeda.
Waxaa sidoo kale magaalada washington DC, markay ahayd 10:00AM subaxnimo Aqalka Cad afaafkiisa hore ka bilowday mudaaharaadkii, halkaas oo in muda ah lagu hor banaanbaxayay. Dadka Tiradiisa lagu qiyaasi karay inta u dhexeysa 50,000 ilaa 90,000 oo qof dadkaas oo isugu jiray dad waayeel ah caruur dumar dhalinyaro nooc walba leh.
Socodka ayaa laga bilaabay Aqalka Cad wuxuuna ahaa socdaal dheer oo xidhay inta badan Jidadka magalaada ugu caansan uguna saxmada badan. Wuxuu ahaa dhoola tus noocii ugu danbeeyay iyadoo lagu dhamaaday goobtii balantu ahayd (State Department) ama Wasaarada Arimaha Dibada, halkaasoo ahayd meesha ay khudbaduhu ka dhacayeen. Shaqaalihii wasaaaradu gabi ahaanba ma ayna gali karin gudaha madaamo oo afaafka hortiisiiba la xidhay. Waxaa goobta ka ka lahadlay marka laga reebo Eritrean-ka xubno u kala hadlay Jaaliyadaha Ogaden, Oromo, Amhara Iwm. Dhamaantoodna gumaadka Ogadenia lagu hayo ayaa hal hays u ahayd. Qiirada meesha kasocotay lama soo koobi karo. Wasaarada Arimaha Dibadda waxay soo dirtay laba shaqaale oo la gudoonisiiyay dhambaalkii dibadbaxayaasha kadib markii kor ah loogu akhriyay shacabka Reer Eritrea ee Geesiga wadaniga ee Tirada intaa leeg ku muujinay dareenkooda.
Waxaa ka mid ahaa erayadii ay ku dhawaaqayeen ee soo jiitay dadka ka mid ahaa (One People One Heart) oo macnihiisu yahay Hal dad oo hal qalbi leh ayaan nahay. Eraygan ayay ku muujinayaan Midnimadooda mana ahayn eray ay iskaga dhawaaqayeen lakiin wuxuu ahaa Eray si ficil ah u muuqday waxayna qireen inta ay mid yihiin ay isku duuban yihiin in aan laga guulaysan karin duruuf walba oo ay ku jiraan. Cidii cadawgooda ahayd maanta way ka nixiyeen cidii saxiibkood ahaydna way ka farxiyeen oo waliba Tuseen sababta ay u xoroobeen in ayna ciyaar ciyaar ahayne ay ahayd sawirka maanta ay mujiyeen.
Warbixinada dambe ayaan kaga bogan doonaa sida ay jaaliyadaheena uga qaybgaleen banaabaxyadaa iyo hadafka ay u tageen goobaha lagu banaanbaxayay.
Xigasho ONA.
|