|

Faahfaahin Dagaaladii Magaalooyinka ka Dhacay.
wararka naga soo gaaraya ogaadeenya waxay sheegayaan dagaalo aad cadowga loogu jabiyay in ay magaalooyin badan oo ogaadeenya ah ka dhaceen, faahfaahinta dagaaladaas ayaa sidan naloogu soo sheegay:
1.birqod dagaal ka dhacay ayaa naloogu sheegay in weerar ay jwxo ku qaaday ciidamada cadowga 6 gaadhi iyo waxii saaraa ku baabi,isay.
2.dagaal kale oo magaalada wardheer ka dhacay ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo noo sheegeen in 2 gaadhi oo uuraal ah iyo waxii saaraa isla basbeeleen.
3. dagaal qorshaysan oo jwxo ay ku qaaday ciidamada woyaanaha oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo dhabo - cilmi ayaa naloo xaqiijiyay in meshaas wayaanaha 2 gaadhi iyo ciidankii saaraa laysla gubay.
4.waxaa kaloo naloo soo sheegay in dagaal ay jwxo ku qaaday magaalada mustaxiil ay gacanta ku dhigtay iyada oo hub badan cadowga meeshaas kaga furatay, wararkan dambe waxaa laga xaqiijiyay dadkii daganaa mustaxiil oo idaacadaha soomaaliya u waramay.
dhamaan wararka ogaadeenya ka imaanaya ayaa sheegaya in cadowga meel walba oo laysku fara saaray looga gacan sareeyay.
waxa kale oo wararku intaas ku darayaan in shacabku si aad ah halganka ugu soo biirayaan midnimo buuxdana ay jirto iyo isku kalsoonaan.
waxii war ah ee ogaadeenya ka soo kordha dib ayaan idiinka soo sheegaynaa.
hanqadh@hanqadh.com |