Faah Faahin shirkii Gaarisa ee Golaha Qurbajoogta Jubooyinka iyo  ururka swso.

Shirkan oo ay wadajir u wadaqabteen golaha qurbajoogta jubooyinka iyo ururka somali woman solidarity ayaa ku dhamaaday guul ka weyn sidii la filayay wuxuuna ku reebay dareen dadkii dhamaan dadkii kasoo qayb galay.

Magaalada gaarisa ayaa wuxuu ku riday jawi horleh iyo dareen mideeyay dhamaan dadkii jubbaland ee bariga afrika ku noolaa, shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan salaadiintii degaanada jubooyinka oo afkooda ka qiray in uu shirkani yahay shir ka qiimo badan dhamaan wixii shir horey u soo maray degaanada jubooyinka.

Shirkan markuu dhacay ayaa waxaa dhacday in wakiilada golaha qurbajoogta jubooyinka iyo ururka solidaritiga haweenka soomaaliyed in laga codsanayo in ay shirar lamid ah ku qabtaan xerayaha qaxootiga iyo nayroobi arintaas oo golaha qurbjoogta bariga arfrika maamulkoodu ka aqbalay.

Sawiradii iyo xogihii shirka gaarisa oo aan intan lagu soo koobi karin kala socda www.jubbalanddf.net 

 

Xigasho: www.jubbalanddf.net

hanqadh@gmail.com