Xigasho: www.jubbalanddf.net Fatahaadii Wabiga Jubba oo Wax yeeleeyay beero Badan.
Wariyaha golaha qurbajoogta jubooyinka uga soo warama jubooyinka ayaa nasoo gaarsiiyay warbixino iyo muuqaalo muujinaya sida fatahaadii wabiga jubba u waxyeeleeyay beeralayda danyarta ah ee ku teedsan wabiga jubba.
Beeralaydan danyarta ah ayaan wax gacan ah ka helin haayadaha dowliga ah iyo maamuladii kala dambeeyay ee degaanka jubooyinka iyo gedo , dhibaatadan fatahaada oo ah dhibaato marwalba oo wabiga biyo keenaba soo noqnoqota ayaan wax inay ka hortagaan ama danyarta ka caawiyaan isku dayay horey u jirin.
Masiibadan dabiiciga ah ee fatahaada ah ayaa waxay ku qasabtay in beeralay badan ka niyad jabaan in ay beertoodii beertaan, mar hadii marwalba waxay kusoo tacab beelaan biyo baabi,inayaan.
Mashruuca horumarinta jubooyinka ayaa isagoo kaashanaya dhamaan qurbajoogta jubooyinka wuxuu jecel yahay in uu beeralaydan danyarta ah wixii uu gacan ka siin karo kasiiyo si ayna beerahoodii uga qixin xero qaxootina u aadin.
Mashruucu wuxuu ugu baaqayaa dhamaan qurbajoogta jubooyinka in ay u istaagaan sidii ay dadkooda u kaalmayn lahaayeen masiibadan la baajin karana wax loogala qaban lahaa.
xigasho: www.jubbalanddf.net
hanqadh@gmail.com |