Abwaan ikhyaar oo nasoo gaadhsiiyay gabay wadani ah oo la yiraahdo gorgor.

gorgoryahow aadaa dula oon dalin waligayee
aduu dayinkay ku sakhiray inaad dawaaftayee
suulaybaan siduu ku dirtan ka dalbaayaaye
 
diyaaradaha adiga la mida dunida maashaynee
adiga daruuraha dhexmara sida dabayledee
adiga daqiiqada ku tega dunida meel dheree
 
wax la diro adiga ila ron dacada ilahayee
adiga ku dega meel cidlo ah oon baqanin dulowee
dalki aan lahayn iyo markaad dagaladii gaadho
delaydan gadhsii rag wa lala dardarmaaye
 
juxo danabyadedi salaan diiran iga sii
deeqlahaan ku dhartee iyo rabigan laga danbaynaynee
dulmanuhu inu guusha heli  waa dignin dhaba dhee
 
kumanaan diyaar ah iyo ragba doorkan so tegi dheh
hakaadalinaa guushu wa kama damaystii dheh
diraacda iiyo roobka iyo waqtigu wa isdaba jogdheh
 
nasriguna inuu soo degdegi aayaan danbi lahayndheeh
ninki damacu soo lulay danba diisha qabadsindheeh
dubihini wuu karay kuwii daalimka ahadhee
 
baroordiiqda iyo oohin bay wada daluumaandheeh
danbar iyo raas iyo sun baad duhur uqayseen dheeh
idinkaan dalki iiyo uhadhin dahabki tulaa dheeh
 
udaryeela shacabkina ooyusan daran yoondheeh
diftii gumaysiga iyo dhibay wali dareeemaandheh
daranyo iiyo xanuunbay qabaan dacatigiisii dheh
 
dulimaad kusi dhaaf markaad hadalka deeqsiiso
jexdiin dacaladeedi deg oo yaraha daafeersoi
oo dayuuski inu ceelashi qodayo doolabi
 
qorahay ragi lagu daldalay so day hilibkoodaa
dhagaxbuur dusheeda iyo jigjiga dussheeda dib ugu so labo
diri dhabo shiniinee iiyo hawaas dalacad so fiiri
 
liibaan dadkeedi u sheeg inay dagaalaandheeh
o waa dantiinee halgama ugu dar dodaada
nogob dacaladeedi iyo garbo dhuxun dul heehaab
 
adigoo sir daydayahayaa oon qiranin dawgaaga
dadka rer ogadeeniyo idil dareenkoodaa
soo dooli anaa ku ducayn dayin abidkaayeee

ikhyaar008@hotmail.com

hanqadh@hanqadh.com