|
Shirkii Gaandi & Qurbojoogta Sandiego.

Professor Maxamaed Cabdi Gaandhi ahaana Wasiirkii Gadiidka cirka Iyo dhulka oo Gaaray magaalada San Deigo Ee Maraykanka ayaa la shiray dadweynaha Soomaliyeed ee degan magaalada.Shirkan oo ahaa shir si fiican looga soo qayb galay ayuu Professor Gaandhi ka soo jeediyay warbixin dheer oo kusaabsan xalaada geeska Africa gaar ahaan wadanka Somalia.
P rofessor Gaandhi wuxuu kale oo si dheer uga hadlay xaalada ay Jubooyinka ku sugan yihiin, iyo isaga oo waliba sii faah faahiyay xaalada jubooyinka si uu u saxo warar badan oo ku tiri ku teen ah oo suuqa ku jiray.
Dadkii ka soo qayb galay aad ayay ula dhaceen kuwo badanina way u mahadceliyeen. Waxaa kala oo hadalo soo dhaweyn iyo warbixin isugu jira ka soo jeediyay rag ay ka mid yihiin Mohamed Areys oo u hadlayd bulshada Soomaliyeed ee San Diego. Talooyin muhiim ahna wuu usoo jeediyay bulshada soomaliyeed ee dibadaha jooga si ay wadankoodii ay wax ugu tari lahayeen iyo inay iska dhaafaan qabyaalada iyo nin jeclaysiga oo ah waxyaalihii sababay in ay Somalia burburto
Markii uu qudbadii dhameeyay iyo talooyinkii u usoo jeediyay dadka qurbaha ku nool ayaa waxaa la bilaabay in suaalo la waydiiyo Profesorka.
Ha lkaas oo qof kastaaba wixii uu tabanayay ama maskaxdiisa ku jirtay u soo bandhigay. Ka dibna waxaa si hufan uga jawaabay dhamaan su’aalihii halkaa lagu soo bandhigay. Waxaa ugu danbeyn goobtii lagu soo gaba gabeeyay niyad iyo qalbiyo faraxyo ka muuqdaan. Sababta oo ah waxaad ka dareemaysay dadka wajiyadooda in ay ku qanceen akhbaartii u usoo gudbiyay Professorku.
Professorka ka dib waxaa hadal kooban oo isugu jira mahad naq iyo guubaabo halkaa ka soo jeediyay Safiirkii hore ee dawladii hore ee Somalia Cabdullahi Haji Abdirahman. San Diego waxay ahayd meeshii ugu danbeysay safarka Professorka oo iminka ku laabtay Africa.
Xigasho: www.jubbalanddf.net
hanqadh@gmail.com
|