|
Gobanimodoonkoow Bishaareyso.

Waxaan rabaa in aan xasuusiyo shacabka soomaalida ogaadeenya ee gobanimodoonka ah in ay ogaadaan inaan la xoroobin ilaa dhiig badan iyo maal badan la huro mooyee, marwalba oo aan guusha u sii dhawaano dhibaatada dilka iyo xasuuqu wuu sii badan, sidaa darteed waa in aynaan u barooran ee aan ku bishaareysano wiilasheena/gabdhaheena u shahiida iyakoo maalkooda iyo naftooda difaacaya.
Maalinka aabahaa wuu shahiiday,walaalkaa wuu shahiiday, aad maqasho waa inaad bishaaraysato adiguna aad ku shalaytanto maxaan ayaankaa u yeelan waayay, soomaalida ogaadeenyaay u baroorta oo u murugooda hadii walaalkaa dabaqoodhi uu yahay oo meel xun isagoo diinta orthodox difaacaya ku dhintay dadkiisii iyo dalkiisiina burburinaya kaas ayaa maskiin ah, ayaan darona u sugnaatay, hooyadiisna ay gablantay, u barooro walaalkaa hadii uu websitekiisa maalin walba ku aflagaaday jiray dalkiis dadkiisa, u barooro hadii walaalkaa maalin walba nin tigree ah amar uga qaadanayo dhulkiisii hooyo, laakiin wiilka/gabadha dalka iyo diinta u istaagay baroor u ma baahna sababatoo ah ilaahay ayaa yiri (bal axyaa cinda rabihim yursaquun) maxaa ka fiican in ilaahay agtiisa lagugu quudiyo oo aad ku noolaatid, darajadaas ma ciyaar ayaa lagu helaa?
Soomaalida ogaadeenyaay gumeysigii wuxuu u yeedhay intii dadka ogaadeenya dega ugu caqliga xumeyd isaga oo rajaynaya in uu halgankeena ku curyaamiyo, intuu sidii xoolihii meel ku xareystay ayuu maalinba sawiro sidii gabdhihii modelka ahaa kasoo qaadaa kadibna usoo diraa websiteyada gumeysiga garabka siiya.
Wuxuu isku dayayaa in qurbajoog aan damiir lahay oo majliska qaadka xeradooda tahay uu isku dayo inuu hab jaaliyado u abaabusho, waloow dadkeena maanta aan la siri karin.
Gumeystaha itoobiya waxaa intaas oo dadaal iyo dagaal ah galinaya markuu xaqiiqsaday hadii aan inyar sidan kusii socono in ogadeenya iska daayee geeska afrika taladiisa soomaalida ogaadeenya loo daba fadhiisan doono.
soomaalida ogaadeenyaay maanta aynu noqon ninkii kunka qof u dhigmayay iyo gabadhii kunka u dhigmaysay waxan oo dadaal ee gumeysigu iyo kalkaalku wadaaana aan fashilino shaki igama jiro in aan fashilinayno hadii aan dadaalee.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com |