G.xigeenka 1aad oo Kutilmaamay itoobiya Gabal dhacay:

Wuxuu taliska gumeysiga Itoobiya ku soo badbaaday 8dii sano ee u dambeeyey siyaasadda la dagaalanka argagixiso oo loo filayey inay guul ka soo hoyinayso. Waajibkaas loo igmaday dartii ayuu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ku helay taas oo ka badbaadisay inuu burburo.

Gumeysigan isagoo taageerada caalamiga ee fooftaan habowsan adeegsanaya ayuu dajistay qorshe dhagareed uu ugu talo galay inuu soo af jaro halganka xaqa ah ee shacabka Ogadenya. Qorshihiisu wuxuu ku salaysan yahay siyaasaada caamka ah ee Itoobiya ee ah “dadka gumaad si aad dalka u xalaalaysato”.

Si uu shacabka xaqleha ah u nugleeyo tabartooda wax iska cabin oo uu ka dhigo kuwo qaxa iyo qayb gaajo u dhamaata ayuu bilaabay inuu dalka cunaqabtayn ku soo rogo isaga oo la hogsanaya abaar 3 sano jirtay. Boqolaalka kun ee xeryaha qaxootiga ku dhibaataysan iyo kumaan kunka xabisyada ku jira ayaa markhaati u ah bara kicinta iyo isir sifaynta cadowga Itoobiya ka waddo Ogadenya.
Si ay ra’yul caalamka u khalado oy dawlad xoog badan oo loo adeegsan karo la dagaalanka argagixisada isaga dhigto ayay waxay weerar gardaro ku qaaday Somaaliya iyo inay shacabka Somalida iyo midka Ogadenyaba argagixiso.

Cunaqabatayntii oo weli saaran Ogadenya, ayuu gumeysigu ku guul daraystay inuu jilciyo halgankii Ogadenya. Hawl galada iyo dharbaaxooyinka CWXO la beegsanayaan cadowga way boqol jibaarmeen. Sida oo kale, taliska dhiigya cabka ah ee Addis Ababa wuu ku guul daraystay ujeedadii uu ka lahaa Somaliya. Fashilkaas iyo dharbaaxooyinka joogtada ah ee CWXO waxay khal khal iyo kala amar qaadasho la’aan ku keentay ciidankii gumeysatada. Wuu goostaa dhexdiisana wuu ka dagaalamaa si joogta ah.

Qorshayowgii uu cadowgu ugu talo galay inuu halganka shacabka geesiga ah ku burburiyo, markii uu u babac dhigi waayey sooma jeedsayaasha CWXO ayuu diyaariyey maxaysato ciidankiisa dhaaraan u noqota oo xabadda iskaga gudibta, kuwaas oo laga soo ururiyey askar maroodigii gidaar jiifaka ahaa, kuna caan baxay damiir xumo, waxayna dhib weyn u gaystaan shacabka rayadka ah.

Isaga oo xusuusan dhibaatadii uu shacabka gaadhsiiyey una arkayey inuu nugleeyey ayuu gumeystuhu ololihii ugu weynaa, oy ka soo qayb galeen; maxaysaatadii askar marodiga iyo ciidankii kuu guul daraystay Somaliya iyo kii hore u sii joogay Ogadenya, ku soo qaaday shacabka iyo CWXOgadenya. Ololahaas oo 5 bilood socday waxaa ka qayb qaatay diyaarado waxyeelo weyn gaadhsiiyey shacabka iyo xoolahoodaba. Gacan ku dhiigle Meles Zenawi isma lahayn waad ku guul daraysan ololahaas. Muuna ku xisaabtamin kartida iyo geesinamada CWXO iyo shacabka Ogadenya oo ul iyo diirkeed ah.

Iyadoo uu gumeystaha foosha xun shirqooladiisii ku fashilay waxaan si kooban u soo gudbinaynaa khasaarihii soo gaadhay cadawga 5tii bilood ee u dambaysay ee Ololahaasi socday.

Waxaan soo koobnay khasaarihii ka soo gaadhay cadowga ka dhego la' taariikhda Ololaas oo socday 5 bilood. Waxaa jira inaan xaaladda is gaadhsiinta awgeed marna aan 100% la ogaan karin khasaarihiisa. Waxaa kale oo jira dagaalo badan oo cadowga lagu weeraro (habeen iyo maalinba) oo aan la garan karin khasaaraha soo gaadhay. Haddaba tira koobkani waa inta la xaqiijiyey. Dagaaladu waxay u qaybsan yihiin kuwo CWXO lagu soo qaaday, iyo kuwo ay CWXO cadowga ku qaadeen.

• Muddada laga soo bilaabo bishii kowaad ee sanadkan 2009 wuxuu CWXO galay 214 dagaal (waan inta qoran). Wuxuu cadowga ka dilay mudadaas 1281 askari.
• Wuxuu ka dhaawacay 1064 (dhawacooda qaar ayaa dhinta mar dambe lama oga). 2354 ayaa inta aan hubno wax dhintay iyo wax shaqo gabay noqday ciidankii cadowga ii Ogadenya joogay. Waa tiro dhan 4 Guuto (Gutadoodu waa 800-1000).
• Waxaa laga gubay 14 baabuur iyo wixii saaraa qalab iyo askarba.
• Waxaa laga qabsaday hub aad u badan oon la tira koobi karin.
• Waxaa ka soo gaadhay dhibaato dhaqaale ayna Itoobiya ka soo kabanaynin weligeed. Taas ayaa keentay inay Shirkada saliidda baadha heshiisyo ay og tahay inuusan hirgelaynin la gasho si ay dhaqaale uga hesho.

Ciidankii huwanta ahaa waa la jebiyey waana laga can sareeyaa. Hase ahaate, cadowgu waa naf la haar oo waxay dib u soo abaabulayaan Maxaysato kale, sababta oo ah ciidankii Itoobiya wuu amar diiday. Saraakiishii aan qowmiyadda Tigray ahayn lama aaminayo. Dhamaan waxaa loo qaaday Itoobiya. Wuxuu CWXO balan ku qaaday inay darsi ayna iloobin u dhigaan maxaysatada –Hawaarin-

Waxaad halkaas ka arkaysaa in gumeysigii Itoobiya uu gabalkiisii dhacay, waxayna markhaati u tahay inuu mar aan fogayn burburayo gumeysiga Itoobiya.
Sagaarow waaba saas oon dhaana kuu maqnayn! Meles iyo budhcadda Addis Ababoy waa sidaas oon laydinka jimcinaynin dagaalka gaamuray ee shacabka Somalida Ogadenya.

Midnimo! Mintid! Isku-tashi!
Guul! Allaahu Akbar!

 

hanqadh@hanqadh.com