Sep 7, 2009 (QOL) Wararka naga soo gaadhay waddanka Australia ayaa sheegaya Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Muadane C/Qadir Hasaan Biixi Hirmooge (Caddani) oo booqasho ku tagay wadanka Austaralia, G/X 2aad ee JWXO mudana C/Qadir (Caddani) ayaa shalayto saacadu markay ahayd 3:50PM xiliga Galbaadeeka Australaia wuxuu ka dagay garooka caalamagi ah ee Perth International Airport halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku dhaqan Galbeedka Australia magaalada Perth.
G/X 2aad ee JWXO mudane C/Qadir (Caddani) ayaa waxaa si aad u heer saraysa oo farxadi ku dheehantahay u soo dhaweeyay Maamulka & xubnaha Jaaliyadda Ogaadeenya ee ku dhaqan Galbeedka Asutralia gaar ahaan magaalada Perth wuxuuna masuulku maalmaha soo socda kulamo la yeelan doonaa qaybaha kala duna ee bulshada Ogaadeenya hadii Illahay idmo.
G/X 2aad ee JWXO mudana C/Qadir (Caddani) oo wadanka Australia safarkii ugu horeeyay ku jooga ayaa aad ugu faraxsan socdaalkiisan & sida qiimaha badan ee ay Jaaliyadda Ogaadeenya ugu soo dhawaysay.
Sikastaba ha ahaatee safarka uu Mudana Cadaani waddanka Australia ku tagay oo ah mid aan horaya loo shaacinin ayaa ku soo beegmay xili ay Jaaliyada Ogaadeenya si aad ah u sugaysay waxaana la filayaa in uu socdaal ku tagi doono dhamaan gobolada Asutralia ee ay Jaaliyada Ogaadeenya ku dhaqantahay.
Hanqadh.com