|

Gurxan oo u Waramay idaacada france
Jabdhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya oo digniin u soo jeedisay shariikadaha shidaalka wareysi idaacada france ee RF ay la yeelatay Mudane Axmed Gurxan
JWXO waxay markale u goodbisay shirkadaha shidaalka ee Malaysia,Shina iyo kuwa reer galbeedka ee ku sugan Ogadenya, Jwxo oo horey u fulisay weerar dhacay laba sano ka hor kaas oo ay ku dhinteen 9 shaqaale shiinays ahaa iyo in ka badan lixdameeyo ciidamada Itoobiya.Xukuumadda itoobiya weerarro badan ayay ku qaaday Ogadenya, gobolkaas oo aan loo ogaalayn, hay’adaha aan dawliga ahayn iyo kormeeryaasha ajaaniibta ah.
Jabhaddu waxay ku eedaynaysaa shariikadaha shidaalka baadha in ay burburinayaan bay’ada Ogadenya ayna iska shaqaystaan ayagoon tixgelinayn baahida shacabka Ogadenya ,waxayna Jwxo u soo jeedinaysaa shariikadahaas in ku cadaadiyaan xukuumadda Itoobiya sidi ay ku dhawri lahayd xuquuqda dadka.
Waxaa arrimahaas tafaasiil naga siiyey Ahmed Gurhan oo ah madaxa xafiiska yurub ee jwxo
A.Gurhan :-« Dhawaantan waxay shirkaduhu xaalufiyeen dhul garaaya 1600 Km2 ( Kun Lix bqol kilomitir isku wareeg ah ), waxay gurayaan dhamaan dhirta si hawlahooda baadhitaanku ugu sahlanaato, waxay ay xeerinayaan ma jiro, dadka waa laga rarayaa goobaghaas, waxayna samaynaan sidi ay ugu fududaato hawshoodu oo keli ah
Weriyaha :- Waa kuwee shariikadaha ku lug leh arrintan aad eedaynaysaan ? A.Gurhan :- Waqtigan xaadirka waxaa soonaha wardheer jooga waa shariikado Shinays iyo Ukrain ah, Laakiin guud ahaan waxaa ka mid ah Petronas oo ah shirkad malaysian ah, Lundlin oil Shirkad sweeddish ah kuwaas, waxaa jira iyadana African Oil Company , shariikadahaas oo kuwo kale oo badan siiyo kontaraatyo kale.
Weriyaha :- 2007 di waxaa ku dhintay 74 qof weerar ay Jwxo ku qaaday xarun milatari oo ilaalinaysay goob shidaalka laga baadho oo ay ku sugnaayeen shaqaale Shinays ah , hanjabaadan aad soo jeediseen ma waxay hor dhac u tahay weerarro hor leh ??
A.Gurhan :- Waxay ku xidhantahay sida shirkaduhu ula shaqeeyaan xukuumadda Itoobiya, waxaanse rajaynaynaa in ay shariikaduhu fahmaan in aan faa’’iido un la raadin karin qiimo kasta ha ku fadhidee, ujeedadeena kowaad waxaa weeye in aan baadhitaano la bilaabi karin n ayadadoon oggolaansho laga haysan shacbiga
XIGASHO: ONA
hanqadh@hanqadh.com |