|

Ragaad: hawlgal balaaran oo loogu magacdaray ragaad ayaa ka dhacay ogaadeenya,howlgalkan oo ay ka wada qaybqaateen inta badan dhamaan qaybaha cwxo ayaa inta faahfaahinta laga helay waxay sheegaysaa in la gaadhay guulo aad u badan.
Hawlgalkan ayaa wakhtigii loogu talagalay waxaa la kowsaday roobab aad u badan kuwaaso qaybo badan in hawlgalkooda sidii loogu tala galay inay u fulaan ka yara hakiyay,qaybaha ayna roobabku saameynta ku yeelanin ee hawlgalkoodii siduu ahaa u fuliyay waa sidan:
gorgor: waxay weerareen kadibna qabteen biiqa iyo dhadhame ciidamkii wayaanaha ee halkaas jogayna waxay ka dhigeen waxay dilaan, wax ay dhaawacaan, wax carara iyo wax ay gacanta ku dhigeen, waxaa kale oo meeshaas saanad milatari oo aad u badan.
Dufaan: Huuraale iyo kurtun ayay weerareen wakhti gaaban ayayna ku la wareegeen barihii ay qorsheysteen, wayaane iyo gacan yarayaashiina waxay ka dhigeen waxay dilaan , dhaawac, iyo wax naftooda la carara, qalab badana way ka furteen.
Danab: wijiwaaji iyo galadiid shexdooda hal uuraal iyo wixii saaraa ayay ku gubtay, laba baabuurna iyakoo dhaawac iyo dhimashaba wata ayay yaa allahu ku baxsadeen.
Birjeex : meel godey agteeda ah ayay isku heleen ciidan wayaane ah dagaal aad u culus ayaana ka bilowday wixii faahfaahin ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa inshaa allah.
Hanqadh: heegan iyo halgan ayay weeraro qorshaysan ku qaadan wax faahfaahin ah wali kama hayno inshaa allah dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa wixii ka soo kordha.
Markii laysku soo uruuriyo hawlgalka ragaad ayay jabweyn wayaanaha ka soo gaadhay waxaan la rajayn in goobaha aan faafaahintooda wali lahayna guushu intaas ka sii balaadhan tahay.
Tafatiraha ogaadeenya.
hanqadh@gmail.com |