|

Horay Soo looma saadaalin.
sidii horey loogu saadaaliyayba towrada labalaxaadsanaysa ee kasocota daafaha kala duwan ee aduunka, waxay tahay arin ay horey u saadaalinayeen xeeldheerayaasha arimaha bulshada ee la socda towrada ay hormuudka ka tahay jwxo.

jwxo waxay indhaha u furtay shacabkii lagumeysanayay waxay bartay dariiqa loo maro xoriyada, shacabkii aaminsanaa in aan gumeysiga laga hoos bixi karin oo dhan yay u cadaatay in ay xaqiiq tahay in haduu doono uu is xoreyn karo.

jwxo waxay soo nooleysay isku kalsoonaantii shacabka ogaadeenya waxayna ka hoos saartay in shacabka aayahiisa dadyow kale gacta u galo ama maamulaan, jwxo waxay ay afka ciida u dartay dhaqan walba oo hadhaa ahaa oo umada soomaalida ogaadeenya u dabrayay in ay gumeysiga kusii hoos jiraan, waxaa gabi ahaanba ogaadeenya kasii suulaysa dhaqankii qabyaalada waxaana dhamaaday dagaaladii qabaliga ahaa, waxan oo horumar ah shacabka waxaa uu ku gaadhay dadaalkiisa iyo isku duubnaantiisa iyo markii waxay dooneen ee ay ku dadaaleen ilaahayna uu aqbalay.
sawiradan aad aragtaan waa minisoota shalay norway ayay ahayd doraad finland, daadka xornimo doonka ah ma aha mid istaagaya inta ummadda ogaadeenya xornimo taam ah ka helayso.
ilaahay ayaa mahad leh,waxaa kaloo mahadleh gabadha iyo wiilka habeen iyo maalin u taagan difaaca dadka iyo dalka ogaadeenya marwalbana ka shaqaynaya sidii dadkooda mid u ahaan lahaa.
gabagabadii: "soomaalida ogaadeenyaay guulaystayaal geediga wadaay"
hanqadh@hanqadh.com
|