|

Hurdaayoow Toos.
Sidaad la wada socotaan waxaa shacabka soomaalida ogaadeenya adoonsada woyaane aad u liita,oo dadkeenii si bani aadnimada ka baxsan ula dhaqma. waxuu xasuuqaa dumarka, caruurta,waxuu ku qasbay kumanaan soomaalida ogaadeenya ah in ay ka qaxaan dalkoodii iyo dadkoodii si qasab ah.
cadowga wayaanaha ee waxaas oo dambi ah ku kacaya ma aha mid ka awood iyo karti badan shacabka soomaalida ogaadeenya ee geesiga ah laakiin mar walba waxuu ka faaiideystaa qaybsanaanta oo ay aabo u tahay qabyaalada iyo jaahilnimo.
itoobiya waa dowlad isku kabkab ah oo ka kooban qawmiyado badan oo wada ciilqabo oo dhibka soomaalida ogaadeenya ku ka daran la soo mariyay,hadii inyar khalkhal ku dhacana lagu kala dareeri . itoobiya waxay ku nooshahay kaalmada looga uruuriyo kaniisadaha caalamka rer galbeedka oo laga dhaadhiciyay sheeko xariir aan sal lahayn iyo muslimbaa idhameyn hadaan wax la itarin.
si taliskan cunsuriga ah ee jaahilka ah looga hoos baxo waxaa la gudboon soomaalida ogaadeenyaay qodobadan :
1.in isku duubnaan ay la yimaadaan
2.in ay isku kalsoonaadaan qofwalbana kaalintiisa uu kasoo baxo.
3.in kooda khaldan ee danta ummadda ka hor imanaya ay meel uga soo wada jeestaan.
4.in inta ay halgamayaan doorasho iyo xukun ka sheekeynta ay daayaan waayo wax la xukumo mayaalo qofkiise waxbaan wanaajin leh way u banaan tahay ee ha laga arko.
4. qofkii xukun sheega oo ismuujinaya aad ha looga feejignaado waayo waa tuug ama waa jaajuus.
5.qofwalboow cidna waxkaama dhigi karto,hadii ay kaa dhigaana ma noqonaysid ee adigu iska dhig qofkaad tahay oo shaqadeedii iyo kartideedii la imo.
6.waxaad tihiin soomaalida ogaadeenyaay dad ilaahay u nimceeyay waayo dhulka ugu qanisan aduunka yaad dagan tihiin khayraadka ogaadeenya aduunka wadan leh majiro hadii aad xorowdaana baahi iyo darxumo arkimaysaan ee dadaalkeedii la imaada.
7.onlf iyo soomaalida ogaadeenya waxay haystaan hogaamin ayna haysan ummadaha nagu xeeran wax dan gaar ah oo ay wataana majirto aan madaxdeena adeecno ninkaan madaxdiisa adeecin cadow aan u naxayn ayaa alle ku salidi oo madax uga dhigaa.
8.onlf in ay guulaysato hadii reer ogaadeenya ka wada shaqayn waayaan masiibada ay keento ogaadeenya iska daayee soomaaliya onlf kama dambeyn doonto. hadii ilaahay kaalmadiisa na siinin.
hadalkaygoo dhan waa intan hoose.
"toos oo kaalintaadii qaado aan xasuuqa mudo kooban soo afjaree"
hanqadh@hanqadh.com
|