|
Riwaayadii:Ibraahim dheere, Tigreega & Ilaahay.

Riwaayada ibraahim dheere iyo tigreega oo dhinac ah iyo ilaahay oo xaqa halganka soomaalida ogaadeenya guuleeyay ayaa dhacdooyin cajiib ah oo qofkii caqli leh wax ku qaadan karo ay dhexmareen.
Ibraahim dheere dagaalkii uu o.n.l.f. ku qaaday:
- Wuxuu meel walba u galay sidii uu halganka onlf jidka xaqa ah uga duwi lahaa dadkoo dhana uga horkeeni lahaa.
- Wuxuu dacaayad ah onlf waa gaalo oo diin mawataan ula tagay dhamaan inta neceb wanaaga soomaalida ogaadeenya isagoo garabsan haya.
- Wuxuu gaashaan buureystay dhamaan jawaasiistii soomaalida ogaadeenya ee tigreega u shaqayn jirtay iyo dibjiradii qurbaha nolosha ka dhacay si tareenka xoriyada isu hordhigaan.
- Wuxuu si sharci daro ah ku iibsaday idaacadii xornimadoonka ahayd ee ogaadeenya si uu isla iyadii halganka ugu burburiyo shacabkana uga horkeeno.
- Waxay si shirqool ah ibraahim dheere, axmed nashaad, iyo macow ogaadeenya u geeyeen marxuum dr- maxamed siraad doolaal si ay u khatalaan ummadda soomaalida ogaadeenyana ukala irdhowdo halgankana usoo afjarmo arintaas oo ay sidii ay rabeen u sameeyeen marxuumkana meel cidla ah intay geeyeen kusoo jaajuuseen ileen axmed nashaad ayaa arintan waday oo ka dambeeyaye.e arintan oo ahaydna ujeedadooda ugu weyn ee dr. ula saaxiibeen iyakoo rajeynayay in halganku afjarmayo hadii arintan sidan ay u dajiyeen u dhacdo.
Tigreega Isku dayadiisii:
- Tigreegu wuxuu iska dhaadhiciyay soomaalida ogaadeenya waa reer guuraa soomaali ah oo qabali ah, waligoo halgankoodu 3 sano magaadhin durba iyakaa iswada qabsan ee wax xaquuq ah hasiinin amarkaaga uun far sidaad doontana kayeel isagoo waliba rajadiisu ay ahayd in uu soomaaliya oo dhan wada qabsado.
- Wuxuu isku dayay in uu qabiilka ogaadeenka faquuqo oo uu bahdilo si uu ugu xuuxiyo qabaailada kale una dhaho hadaydaan xabada dhigin dhulkiina waa la dhaxli.
- Wuxuu isku dayay in in onlf uu leeyahay sameysto si uu halganka u khalkhal geliyo.
- Wuxuu isku dayay in uu halgnka ogaadeenya ku shabadeeyo waa muslimiin dambiilayaal ah.
- Wuxuu isku dayay in wiilal kuray ah oo ciyaal qaxooti ah oo wadaniyada iyo qiimaha midnimada ama xoriyada aqoonin uu shilimaad siiyo dhahana hagankiina dacaayadeeya.
- Wuxuu bilaabay inuu amro maamulada uu ka dhistay waqooyiga soomaaliya iyo bariga isagoo leh muwaadiniinta ogaadeenya siiba kuwa qabiilka ogaadeenka ah isoo dhiiba si aan ugu cabsi geliyo oo u dhaho soo ma aragtaan aniga umbaa walaal idiin ah ee maxaad ku falaysaan soomaali waaran sidan idiin galiye aniga soomaaliya ila qabta oo ila gumeeya sidiina oo kale.
Ilaahay fashilintii uu tigreega iyo ibraahim dheere fashiliyay:
- Ilaahay wuxuu isku soo dubay quluubtii inta xornimada iyo sharafta jecel oo dhan
- ilaahay wuxuu u furay jidad iyo saaxiibo halganka xaqa ah ee ogaadeenya oo gaal iyo islaamba ah.
- ilaahay shacabkii gudaha wuxuu kasaaray cabsidii waxayna hiil iyo hooba la garab istaageen qadiyadooda.
- Ilaahay talaabo walba oo ibraahim dheere iyo tigreegu u qaadaan in ay halganka burburiyaan wuxuu ka dhigay mid fashilantay halgankan wuu kusii karaar qaato.
- Ilaahay qofwalba oo halganka maalin la colaytamay wuxuu kadhigay mid jiran iyo mid dhinta iyo mid aan waxba qaban karin xataa naftiisa wax u qabsan karin.
- ilaahay aduunkii oo dhan ayuu idaacadahoodii iyo wargaysyadoodii wuxuu kasoo reebay in ay afka ku hayaan halganka soomaalida ogaadeenya.
- ilaahay xataa wuxuu sababay in googleka dhulka uu tirtiro in ogaadeenya kamid tahay itoobiya,
- Ilaahay wuxuu sababay in madaxdeena sidii dowladii warkooda loo maqlo.
- Ilaahay wuxuu sababay in eega soomaali oo dhan xaqiiqsatay in onlf tahay ururka kali ah ee soomaali ah ee qadiyad soomaaliyeed oo ayna itoobiya wadan wata.
- Ilaahay wuxuu sababay in isku daygii ugu dambeeyay ee ibraahim dheere iyo tigreega ay u fashilmaan si ka xun dhamaan fashilaadii hore ilaahayna uu dhamaan calooshood u shaqaystayaashii gumeysiga hoosta kala jiray uu dharka ka dhigay oo iyakoo ayna cidi qasbin sawiradoodii soo dhajiyeen sida iyakooy sharaf usoo kordhi laakiin uu ilaahay u qurxiyay si uu u ceebeeyo iyaka.
Ilaahay isaga oo dhagarta tigreega iyo ibraahim dheere iyo kooxdiisa oo kale ka hadlaya wuxuu yiri: Ilaahay bay sirayaan ilaahayna wuu sirayaa iyaka ilaahay ayaana ka sir badan (tigreega iyo ibraahim dhere i-w-m)
Waxyaabaha aayadan sheegi xaqinimadeeda bal eeg sida ilaahay u ceebayn labadan kooxdan:

Sawirkan eeg ibraahim dheere guusha uu usoo hoyiyay gumeysiga sida uu isleeyahay xitaa maxaabiistu lama qabto gacmaha kaligii ayaa cirka u dhisay maxaabiistu meesha ay ka murugaysan tahay xataa eeg labada uu gacanta hayo xoog ayna raali ka ahayn ayuu ku jiidayaa, labadan bidixeeya ee ka qamiiska qaba ee hooyadii gablantayga ah gacanta jiidayana fiiri raali kama aha sida muuqaalkooda ka muuqata waayo labada dhinac ayay la raaceen taas oo muujin in si ayna ku faraxsanayn loo jiidayo.
F.G. Ummada ogaadeenya ee xornimadoonka ahayeen dad wasakh ah ayuu ilaahay sifaynayaa ee samra inakana dadaal ayuu alle na leeyahay guul aynaan waligeen horey u gaarin ayay horseedaysaa dhagartan cusub ee damiirlaawe yaashe nin walbana wuu kashalaayi doonaa hadii uu maalin dambi yar ka galay qadiyada ogaadeenya.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com |