|

Isku Kalsoonida Soomaalida Ogaadeenya.
Waxaa waayadan dambe si aad ah usoo shaacbaxaysay isku kalsooni aad u wayn oo shacabka soomaalida ogaadeenya ka muuqata haday noqon lahayd shacabkii gudaha iyo kan qurbahaba.
isku kalsoonida ayaa waxaa loo aanaynayaa dariiqa toosan ee uu ku socdo halganka ay onlf hormuudka ka tahay, muqaalka qofka onlf taageera iyo ka calooshiisa u noolaha ah ayaa si aad ah u kala duwan, meesha kan calooshiis la ciyaarka ah isla hadalka nafsiga iyo warwar aan dhamaan ku jiro wiilka ama gabadha onlf taageera waxay u qabtaan umadooda iyo naftooda waxii karaankooda ah waxii ayna karina ilaahay ayay talada iyo kaalmaba ka sugayaan wax cabsi iyo warwar ahna kuma jiraan waayo waxay haystaan xarigii ilaahay waxay difaacayaan dalkoodii, waxay ka damqadeen dadkoodii, hawshan ay hayaan ayayba farxada iyo isku kalsooniduba ka abuurantaa.
halgamayaasha damiirka leh muuqaalkoodu waa sida wiilkan ciidiisii hooyo difaacan haya oo kale cid ay uga haybaysanyaan xaqooda iyo dhulkooda ma jirto.markii naftood hurayaashu rabi talo saarteen awoodoodiina qabteen waxan oo guul ah oo aad aragtaan ayuu gaadhay halganka ay onlf hurmuudka u tahay.
Qurbo joogta oo awal aad moodaysay in ay isla yara jaan qaadi la,aayeen maanta si fiican ayay isu barteen sanadba sanadka ka dambeeya ayay ka soo bislaanayaan waxayna u badan tahay hadii xasuuqa wayaanuhu sii socdo in uu mardhow noqon sidii taliskii cunsuriga aha ee south afrika oo kale mid aduunka laga takooro shaqadaas oo looga fadhiyo in jaaliyad walba wadankeeda xadgudubka shacabka ogaadeenya u bandhigto 3dii biloodba mar ama bishiiba mar.si wadan walba uu u ahaado ku ama la dambi ah waxa woyaanuhu sameyn ama joojiya wax walba oo kaalmo ah oo uu siiyo..
gabagabadii shacabka soomaalida ogaadeenya meel ay joogaanba waxa maanta lagudboon in ayna daawade aan ka damqan ka noqon xasuuqa maanta aduunka ugu xun ee dadkooda lagu hayo.
hanqadh@hanqadh.com
|