|

Iskaashato Ma kufto.
Ereygaas waxaa bixiyay dad arkey faaiidada ay leedahay iskaashigu, quraanjadaba waad aragteen oo markey isku tagto awood ay wax ku qabato ayay leedahay, laakiin "fari sideedaba horaa loo yiri fool ma dhaqdo"
Waxa danta guud ee bulshada marka lasameyn waxaa fiican in uu qofwalba intii uu awoodo is xilqaamo, hadii aadan adigu is xilqaamin yaa isku kaa xilqaami oo dalkaaga kuu difaaci ama kuu dhisi ama kuu daryeeli?.
ilaahay wax walba wuu cadeeyay qoom ma hagaajiyo hadii aynan iyaku is hagaajin, mana duleeyo hadii ayna iyaku isdulaynin.
Dhilinyaro qurbo joog ah oo arintaas ka duulaysa ogna in waxba hadal ku qabsoomaynin ayaa waxay isku dayeen in ay karaankooda qabtaan, waxay ka warheleen in degmada mareereey ay tacliin la,aan caruurtooda ka cabsi qabaan in ay cidleeyaan oo qaxootiga galaan hadii alle cid u bixin oo degmadu iskuul yeelan:
ashkhaastii iskiirsatay hawshan ayay qabteen aad arkeysaan sawiradeeda:
markii hore markii dambe
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
ceelkan aad aragtaan hada waa la sameeyay iskuulkkuna beer ayuu leeyahay, cidnana hada ma kaalmeyso ee dadkii degaanka ayaa is dabara waxaa iskuulka dhigta 160 arday aad ayay ugu farxeen dadka halkaa ku nool .
caruurtan waa hogaamiyeyaashii berito hadii ayna hada dariiq fiican lagu korin. wax ay faaiido dal iyo dad u yeelanayaan ma jirto beri.
Waxaan jecleyn dadkeenii hawshaas qabtay in aan hawlo kale qabano laakiin tabartii yaa na diiday hadii aad tihiin dad degaanka jubooyinka ah ama aakhiro iyo taakulaynta dadkaa aad jeceshahay nala soo socodsii waxaan ururinaa inta jecel in ay gacan siiyaan walaalahooda aqoon ama tabartu ay usaamixi way day in ay is abaabulaan.
hadii aad dadkii gudaha toos ila xiriirayso waan kusiinaynaa tlfnadooda
hadii teamka waxan qabtay aad ka mid noqon oo laysku kaa halayn karona noo soo sheeg.
nagala soo xiriir: amaar128@hotmail.com
tlf: 00-47-975-251-51
khaliif.
|