|

Bishaaro: Waxaa loogu bishaaraynayaa dhamaan dadweynaha soomaaliyeed Gaar ahaan shacabka ka soo jeeda gobolada jubooyinka ee soomaaliya in uu hawada soo galay webka www.jubbalanddf.net webka waxaa uu ku hadli doonaa afka golaha qurbajoogta jubooyinka, waxaad ka heli kartaan warbixino kala duwan iyo mashaariicda goluhu kawado degaanka jubooyinka.
Waxaa kale oo webka aad ka heli kartaa akhbaaraha kala duwan ee degaanka, www.jubbalanddf.net waxaa loo abuuray in uu noqdo meel dadka degaanka jubooyinka dantooda looga hadlo afkaarahoodana lagu soo bandhigo, laguna uruuriyo,waxaa kale oo uu webku noqon doonaa inshaa allah meel sida muraayadii looga daawado degaanka jubbaland.
webka www.jubbalanddf.net wuxuu leeyahay wariyayaal gudo iyo dibadba ka shaqaynaya, aqoonyahano, iyo khubaro kala talisa ama og waxa maalin walba ka dhacaya jubooyinka iyo soomaaliya.
Golaha Qurbojoogta Jubooyinka iyo maamulka webka www.jubbalanddf.net waxay wadajir ugu baaqayaan dhamaan ummada soomaaliyeed in fikirkooda iyo wixii war ah iyo waxtarba ay nala wadaagaan si aan u sameyno soomaali nabad iyo barwaaqo ku nool.
nagala soo xidhiidh webmaster@jubbalanddf.net |