|

Ilo aad wargaleen u ah oo kamid ah kooxdii itaxaad ee dhawaan isu dhiibtay taliska adis ababa oo nooga waramay xaalada ay ku sugan yihiin.
insha warka aan ka helay oo naga codsaday in aanan meediyaha ku qorin magaciisa ayaa wuxuu nooga sheekeeyay ilaa iyo intii ay isu dhiibeen itoobiya wax yaabihii ay la kulmeen, sida loola dhaqmay dawlada itoobiya oo uu ku micneeyay in ay tahay mid uuna marna filaynin.
Isha warka isagoo hadalka sii wata wuxuu yiri markii aan wadanka galay waxaa dhacday in shakhsi shakhsi ciidamada sirdoonka ee itoobiya noola baxeen, iyadoo shakhsi walba laga duubayo cajal vidiyow ah iyo mid duubid caadi ahba waxaa aniga la i haystay ayuu yiri in ka badan 5 saacadood sirdoonka itoobiya, waxayna i waydiinayeen suaal ciidaas ka badan oo aana garan karin markii dambana aan ku dawakhay, waxay i waydiiyeen intii aan noolaa oo dhan meelaha aan maray, dadkii saaxiibaday ahaa magacayadooda,talefoonadooda, meelaha ay hada kala joogaan, sida ay kooxihii islaamiyiinta soomaaliyeed dhaqaalaha ku helaan, ama isku abaabulaan.
Insha warka isaga oo aad uga walwalsan in uu fursad u heli doono in uu mar si nabad ah uga uga samata baxo gacanta sirdoonka ee itoobiya oo uu aad uga baqayo in hadii itoobiy sidii ay rabto loo yeeli waayo dhamaan xubnaha uwslf la xasuuqo.
insha warka wuxuu yiri waxaan nahay dad gacanta lagu hayo sawirada iyo cajalado badan ayaa nalaga duubaa, si loogu muujiyo dadka soomaalida ogaadeenya in aan xaalad fiican ku jiro, waxaana noo cadaatay hadaan nahay soomaali galbeed in niyadii wanaagsaneyd ee aan itoobiya rabnay in aan kula nabadno ayna suurto gal ahayn, itoobiya waxay biloowday in ay xitaa diido in aan heshiinay waxayna nagu dhahaan waxaad ku raali noqoteen qaanuunka itoobiya, cafis ayaa idiin fidinay dambigii aad dalkiina ka gasheen si jees jees ah.
Insha warka wuxuu noo sheegay in dawlada itoobiya marwalba ay doonayso in heshiis dhab ah ama xaqeenii inaanaan ka hadlin waxaana ay marwalba nagu dhahdaa qurbajoogta xafiis u fura oo wadankiina imaada dhaha.
kala soco hanqadh wixii arintan ka soo kordha .
hanqadh@gmail.com
|