Ma inuu wax cuno u noolaad tahay?:

Sida aad la wada socotaan qofka bini aadmiga ah ilaahay waxuu u abuuray ujeedooyin cad cad sida uu quraankiisa ku cadeeyayba, ilaahay (sw)waxuu quraankiisa ku leeyahay (waxaan idka dhignay qabiilooyin iyo ummad si aad isu garataan) waxuu alle (intaa sii raaciyay ka alle agtiisa idiinku karaamo badan waa kan idiinku cabsi badan).

Marka ilaahay qof walba masuuliyad yuu saaray ay tahay in uu  ka soo baxo waxaa ka mid ah:

1. qofwalba in uu difaaco bulshadaas hadii ay dulman tahay.

2.qofkasta in uu taakuleeyo bulshadaas hadii ay baahi ama dhibaato ku timaado.

3.qofkasta inuu ka qayb qaato horumarinta iyo samo kunoolaashaha bulshadaas.

waajibaadyadan ma aha wax aan iska leeyahay ee waa arin ilaahay qof walba kula xisaabtami.

hadaba baryahan waxaad arki dad badan oo dalkoodii cadow boobayo,ehelkoodii la xasuuqayo, dadkoodii dacdaro u dhimanyaan oo muslim iska daayee gaaladii caalamku ka yaabeen dhibka dadkaa lagu hayo laakiin shakhsigii dadkaas ay ehel wadaageen oo lacag buuxo oo ganacsade yahayba ama awoodo in uu gacan ka geysto laakiin aan iskuba dayaynin.

diinteenu waxay cadeysay qofka ehelkiisa oo la waxyeelaynayo aan ka damqan oon ka dhiidhin gambdhahoodii,waalidkiis ,hantidiisii ,qofkaas waa dayuus , dayuuskuna janada magalo.. ama maantoo dhan ha foorarsado ama quraan ha akhriyee.

Oraah ayaa oranaysan" cuntada u cun in aad ku noolaato ee ha u noolaan in aad wax cunto uun" waxaan shaki ku jirin in dadkaas rootiga u nool een damiirka lahayn ay reer ogaadeenya ka mid yihiin laakiin waxayna ka warqabin waxan uu bakhaylayo in uu naftiisa ka bakhaylayo maalintaqiyaamana ilaahay kula xisaabtami doono hagrashadiisii.

 

hanqadh@hanqadh.com