|

Melez oo isagoo niyad jabsan lagu qasbay in uu xukunka itoobiya ka dago.
Riyo beenaale oo ay cashar taariikhi ah u dhigtay jabhada wadaniga xoraynta ogaadeenya. melez zenaawi tan iyo intii uu xukunka yimid waxuu aad u doonayay inuu galo buugaagta taariikkhda itoobiyo isagoo ku haminayay in uu soomaaliya oo dhan gacanta ku dhigo.
Melez oo ah shakhsi ay garashadiisu aad u hoosayso marna muuna xisaabta ku darsan dhibaatooyinka ka dhalan kara damaciisa waalan ee uu ku damcinayo in uu xoog kula wareego dhul uusan lahayn.

melez oo ah shakhsi ka indho xiran sooyaalka taariikhda hilmaansana in umada soomaalida ogaadeenya iska daa soomaaliya ee ayna marna ogolayn in ay aqbalaan adoonsi. ayaa weerar indha la,aan ah ku qaaday jabhada soomaalida ogaadeenya ee onlf.

jabhada onlf oo ah jabhad leh hogaan aqoon sare u leh waxa dadka ay xoreynayaan u baahan yihiin iyo siyaasada caalamkaba, rabina talo saaranaya ayaa difaac galay ilaahay mahadii jwxo ciidankii gumeysiga meel walba way kaga adkaatay haday noqon lahayd dagaalkii,shacabka, iyo caalamkaba.
maanta markii caalamku xaqiiqsadey in cwxo aan rajo laga qabin in la jabiyo ayay reer galbeedku usheegeen in melez meesha ka baxo wadahadal dhab ahna lala galo jabhadaha ka soo horjeeda maamulka adisababa.
inshaa allah waxaa soo dhawaatay markii shacabka soomaalida ogaadeenya ay ka bixi lahaayeen dhibaatada uu cadaawuhu ka hayo.
hanqadh@hanqadh.com |