Melez oo inuu Waashay Loo badin. 

 

Addisababa - KT Zinawi oon la ogayn meesha lagu daweynayo

 Shabakadda Ethiopian Review (ER) ayaa qortay inay ka ogaatay ilo lagu kalsoonyahay oo ka mid ah qabiilka Zinawi uu ka dhashay inuu aad u xanuunsanayo oo aan lagu arag hawlaha rasmiga ah usbuuc idil. Wuxuu sheegay qofka xogtan u soo tabiyay ER in KT Meles loo sii qaaday Dubai in lagu daaweeyo, hasa ahaatee aan la ogayn hadda meesha uu ku sugan yahay.

Waxaa intaa dheer in xisbiga Wayaanaha ee TPLF ay cunaha is-wada haystaan iyagoo ku dagaalansan xoolihii hadda ka hor laga dhacay kumanaankii Eretreyaanka ahaa ee toban sano ka hor lagala wareegay xoolihii ay lahaayeen iyo tijaaradoodii iyo guryahoodii iyo gawaadhidoodii, xoolahaasoo loo qaybiyay Wayaanaha.
Markuu qarxay dagaalkii Ertetreeya iyo Itobiya dhex maray ayay Wayaanaha ka ogaadhsadeen shacabkii Eretreeya ee daganaa Itobiya meel walba, ka dibna intay gawaadhi ka buuxiyeen ka dibna xadka labada dal u dhexeeya ku daadiyeen.
Bishii hore ayay xukuumada KT. Meles go’aamisay in dadkii la dhacay loo soo celiyo xoolahoodii, arintaasoo ka cadhaysiisay budhcadda Wayaanaha oo iyagu dhacay lana wareegay xoolahaasi.

Arinta kalee aadka uga murugsan Wayaanaha sida ay qortay ER waa su’aasha ah qofkii badali lahaa KT. Zinawi wixii ka dambeeya 2010. Waxay sheegtay shabakada inuusan muuqanin qof la’isku raacsan yahay inkastoo la hadal hayo magacyada ay ka midka yihiin Arkebe Okubai, Tedros Adhanom, and Tsegay Berhe. KT Meles ayaa isagu ka aamusan arintan oo il-qoorka ka daawanaya isagoon midna taageerin xubnahan isku haysta dhaxalkiisa. Waxayna sheegtay shabakadda inuu 5 sanoo dambe cusboonaysiisan doono marka ay ku heshiin waayaan qofkii dhaxli lahaa. Taasoo uu ku macnayn doono inuu ku ilaaliyay wadajirkii xisbiga.

 

xigasho: ona

 

hanqadh@hanqadh.com