Itoobiya, qorshahaasi wuxuu yahay mid kuwajahan guud ahaan dadka deegaanka gaar ahaan reer miyiga & kuwa dagan tuulooyinka yar-yar, waxayna dowladu ugu magacdartay qorshahan "DIB UDAJIN", waxaase hubaal ah in danta ay itoobiya kaleedahay qorshahan uu qeyb ahaan yahay dagaal dadban ooy itoobiya kulajirto jabhada ONLF ee gobalka kadagaalanta, balse loomaray wado qaldan xad gudubna ku ah sharciyada caalamiga ah maxaayeelay dadka rayidka ah looma ciqaabi karo waxyeelada ay jabhaddi ugaysato dowlada ay dagaalka kula jirto.
Hadaan usoolaabto mucjisonimada halganka ONLF
sidaynu wada ognahay jabhadani waxay itoobiya dagaal kulajirtaa lagasoo bilaabo 1994-tii ilaa 2010-ka hadaba maxay samaysay itoobiya 16-kaa sano si ay uburburiso halganka jwxo ?
1. iskudayo wada hadallo nabadeed ooy qiyaamu kudheehantay ha adeegsato dowlad,koox ama ashkhaas,
2.adeegsiga lacago xad-dhaaf ah iyo bal anqaadyo xilal heer sare ah si loo calwiyo maskaxaha wadaniyadu ceegagto ee madaxda,xubnaha iyo ciidanka jabhada
3.adeegsiga xoog milatari oon kalasooc lahayn jabhada iyo shacabka gobalka
4. adeegsiga maamulada kajira W/galbeed & W/bari ee j.somaaliya iyo waliba kooxo ama ashkhaas kale oo saamayn kuleh gudaha j.somaliya