|

Mudaaharaadkii Maxkamada Dambiyada Aduunka ee jaaliyadaha soomaalida ogaadeenya.
Waxaa maalinkay taariikhdu ahayd 18.06.2010 isugu soo baxay mudaaharaad dhamaan jaaliyadaha soomaalida ogaadeenya ee yurub, mudaaharaadkan ayay jaaliyadaha soomaalida ogaadeenya uga cabanayeen xadgudubyada bani aadnimada ka baxsan ee lagula kacayo shacabka rayidka ah ee soomaalida ogaadeenya, iyo sida ayna beesha caalamku masuuliyadii la rabay isaga saarin xasuuqa lagu hayo shacabka soomaalida ogaadeenya.
 
mudaaharaadayaasha ayaa isugu jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada soomaalida ogaadeenya ka kooban tahay haday noqon lahayd caruur, haday noqon lahayd hooyooyin, dhalinyaro, iyo waayeelba.
Mudaaharaadayaasha ayaa waxaa u suurta gashay in warqad dacwo ah ay u gudbiyaan maxkamada dambiyada aduunka iyakoo ku dacweynaya raiisal wasaaraha itoobiya iyo xukuumadiisa gabood falad ay ka gaystaan  degaanka ogaadeenya.
mudaaharaadayaasha ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad aad u balaaran, waxaana aad akeysay iyakoo xabadka isku salaamay isdhunkanaya, isu dhoola cadaynaya aadna ugu faraxsan in dadkooda iyo dalkoodaba ay u hiiliyeen.
kala soco dhacdooyinka www.hanqadh.com |