Shir ka dhici doona caasimada filand oo uu kasoo qayb gali doono gud.xig2aad. 

WAXAA MAALINTII ARBACADA AHAYD SOO GAADHAY DALKAN FINLAND G.X.2bd EE JABHADA WADANIGA XORAYNTA OGADENIA
MUDANE. N/C/qaadir Xasan Hirmooge (Cadaani). GUDOOMIYAHA OO DALKAN KU YIMI HAWLO SHAQO OO UU BERYAHANBA UU KU MARAYEY QAARADA YURUB . ISAGA OO HORAY u SOO MARAY GUDOOMIYUHU DALALKA DENMARKA NORWEY IYO SWEDEN, dalalkaas oo uu kula soo kulmay jaaliyadaha reer ogadenia ee ka jira dalalkaas sidoo kale wuxuu dulmeer ku soo sameeyey qaabkay jaaliyadahaasi u shaqyeeyaan.
hadaba gudoomiyaha oo dalkan soo gaadhay arbacadii ayaa durba bilaabay kulamo uu la yeelanayo jaaliyada qaybaheeda kala duwan, sida unugta, adayaasha, hooyooyinka, dhalinta iyo weliba maamulka jaaliyada.


tan iyo markuu soo gaadhay dalkan wuxuu ku jiraa gudoomiyuhu shirar uu ku kormeerayo qaybaha kala duwan ee jaaliyada iyo siday u shaqeeyaan. waxaa sidoo kale gudoomiya u qorshaysan inuu kulamo la qaado sidoo kale jaaliyadaha soomaalida ee ku dhaqan dalkan finland.


sidoo kale waxaa jira oo la ogeysiinayaa bulshada soomaalida reer ogadenia ee ku nool dalkan finland inuu jiro shir weynihii jaaliyada, uunu ka dhacayo caasimada Helsinki xaafada sörnäinen. shirkaas oo dhici doona maalinta axada ah ee fooda inagu soo haysa taariikhduna ku beegantahay 21.2.2010. saacadu waa 14:30 ilaa 20:00. xaruntuna waa hoolka shirarka ee hapi.


waxaana ugu fudud ee lagu iman karo waa tareenka dhulka soo mara ee loo yaqaano metro, (xule)
waxaanna xasuus mudan inuu gudoomiye ku xigeenku marti inoo yahay warbixinna inoo wado. sidaa daraateed waxaa loo baahanyahay inaan laga maqnaan qabowgana lasoo jiidho.
wixii faahfaahin ah waxaa laga xidhiidhi karaa


gudoomiyaha jaaliyada. cabdirashiid yusuf colad. tel 358 449 346 926


gu.dhalinta shaafi macalin. tel. 358 442 775 428


iyo cabdikhadar. 358  442 177 053.

 

hanqadh@yahoo.com