|

Ogeysiis Dhamaan qurbajoogta Jubbaland.
Golaha Qurbajoogta Jubooyinka Wuxuu Ogeysiinayaa Dhamaan dadka kasoo jeeda degaanada jubooyinka ee dalkii ama dibada kunool, daneeyana in ay gacan ka geystaa wax ka qabashada dhibaatada aan dhamaadka lahayn ee ku habsatay dadka iyo degaanka jubooyinka, in golahan loo aas aasay sidii dadka iyo degaaanka jubooyinka looga samata bixin lahaa masiibadan ay sababta ugu weyn tahay in dadkii aqoonta lahaa ama degaanka iska lahaa ee qurbaha iyo dalkiiba ayna kaalintoodii qaadanin, daawadayaala ka noqdeen degaankoodii iyo dadkoodii oo xasuuq iyo boob bilaa naxariis ah laysugu dari.
Golaha Qurbajoogta Jubooyinka isagoo baahidaas deg dega ah ee badbaadinta iyo samatabixinta degaanka iyo dadka ka duulaya wuxuu wadaa in uu uruuriyo meela isugu keeno dhamaan qaybaha kala duwan ee qurbajoogta jubooyinka,wuxuuna ugu baaqayaa dhamaan inta jecel nabad kusoo dabaalida iyo horumarka dadka iyo degaanka jubooyinka in ay ku soo biiraan golahan oo mudadii uu jiray guulo balaadhan gaadhay, meeshana ka saaray isfaham waagii siyaasiyiinta degaanka jubooyinka.
Shabakada www.jubbalanddf.net oo ah afka golaha qurbajoogta jubooyinka waxaa dhamaan aqoonyahanka,culumada,ganacsatada, dhalinyarada qurbajoogta jubooyinku kusoo gudbin karaan fikradahooda iyo sida dadka iyo degaanka jubooyinka looga samatabixin karo masiibadan aan dhamaadka lahayn ee iska fadhigeenu sababta ugu weyn leeyahay.
Golaha Qurbajoogta Jubooyinku wuxuu soo qabtay wax yaabo aad u badan oo faaiido balaadhan u leh dadka degaanka jubooyinka haday noqon lahayd dhisid iskuulo, waro biyeed, ceelal, dayactir isbitaal, i.w.m., waxaana ka badan waxa uu rabo in uu goluhu u qabto degaanka jubooyinka, laakiin sidii horey loo yiriba (far kaliya fool ma dhaqdo). afraad is xilqaantay baahi degaan baaxadaas leh ma dabooli karaan sidaas darteed wuxuu goluhu ku boorin dhamaan inta wanaaga dadkooda iyo dalkooda jecel iyo ayna beri sugin ee ay maanta ka mid noqdaan golaha si aan u soo afjaro masiibada dadkeena iyo dalkeena.
Wixii macluumaad ah ama fikir ah kusoo dir.
info@jubbalanddf.net |