|

Goaamadii shirweynihii 2aad ee dhalinyarada ogaadeenya:
Waxaa lasoo gaba gabeeyay shirwaynihii 2aad ee ururka dhalin yarada Ogaden Youth League {OYL} kaas oo kasoo qayb galeen in kabadan 200 oo xubin oo kakala yimid dacalada Europe, kuna qabsoomay wadanka Finland magaala madaxdiisa Helsinki. Halkaas oo sifiican loo lafa guray xaalada guud ee ururka dalada guud ee dhalin yarada somalida ogadenia.
Warbixin dheer oo ay G/fulinta OYL soo jeedisay kadib ayaa waxaa laysla qiray in halkii sano ee uu ururku jiray la gaaray guulo lagu naaloon karo. Waxaana hoosta laga xariiqay in qorshe sanadeedkii ururku dajistay 90% ay qabsoomeen taas oo tusaale u ah in ururku hawshii loo dhisay fuliyay. Waxaa kale oo laga shanqadhiyay in ururku ka hirgalay in ka badan 25 dal oo aduunka ah ilaa hadana uu socdo dhismihii ururku loona baahan yahay in laxoojiyo arintaas, iyadoo abaal gud lagudoonsiiyay ashqaas si khaasa loo tilmaamay inay dadaal xoogleh galiyeen arimaha ururka.
Ugu dambayntii waxaa shirka kasoo baxay go’aamadan
Hambalyo
A) Ururku waxuu u hanbalyeeyay dhamaan urur hosaadyada reer ogadenia ee ka kala jira aduunka oo si fiican uga soo baxay kaalintoodii
B) Ururku waxuu hambalyo diiran u diray jaaliyadaha Somalida Ogadenia oo taageero buuxda siiyay hana qaadka ururka dhalinyarada OYL
C) Ururku waxuu hambalyo & bogaadin diiran u dirayaa dhalinyarada & guud ahaanba hayadaha kala duwan ee kaalintoodi kasoo baxay waajibkoodiina fuliyay
Canbaarayn
A) Ururka OYL waxuu canbaarayn dusha ooga tuuray gumaysiga Ethiopia ee xasuuqa aabayeel darida ah ku haya shacbiga rayidka ah ee aan waxba galabsan
B) Ururku waxuu dhaleecayn usoo jeediyay wax kasta oo gumaysi iyo xadgudubku ah bulshada Somalida Ogadenia
C) Ururku waxuu si xoogleh udhaleeceeyay kuwa u adeegaya danaha gumaysiga carqaladana ku haya aayaha shacbiga somalida ogadenia
Codsi
A) Ururka Dhalinyarada Ogadenia ee {O.Y.L} waxuu ka codsanayaa dhamaan shacbiga Somalida Ogadenia gaar ahaan dhalinyarada meel kastoo ay joogaanba inay umidoobaan danahooda kana hortagaan waxkasta oo hagardaamayn kara wadajirka & danaha Shacbiga Somalida Ogadenia
B) Ururku waxuu ka codsanayaa dhalinyarada Somalida Ogadenia meel kastoo ay joogaanba inay ka qayb qaataan dadaalka ururkani ugu jiro isku xirka dhalinta ogadenia
C) Ururku waxuu ka codsanayaa dhamaan ururada bulshada Somalida Ogadenia inay qadiyadooda aduunka ka gadaan isla markaana fashiliyaan hagardaamooyinka siyaasadaysan cadawga gumaysiga ahi soo maleegayo inta badana soo suuqgaynayaan koox afsomali kuhadasha oo asal ahaan dalkaas kasoo jeeda barnaamijyadasna la bartilmaameedsanaya jaaliyadaha& ururada bulshada
Xoojin
A) Ururku waxuu go’aamiyay in la xoojiyo xidhiidhka iyo wada shaqaynta la leeyahay qaybaha bulshada inteeda kale
B) Ururku waxuu si buuxda uxoojinayaa iskaashiga ka dhaxeeyay ururada bulshada ee caalamka oo dhan & kuwa Lokalka ahba
C) Ururku waxuu xoojinayaa is garab istaaga halganka xaqa ah ee shacbiga Somalida Ogadenia ku doonayo aayahiisa
Balan qaad
A) Ururka OYL waxuu balan qaadayaa inuusan ka daalaynin dadaalka iyo ka midha dhalinta uu ugu jiro isu keenida dhalinta somalida ogadenia
B) Ururka OYL waxuu balanqaadayaa in dhalinta ogadenia aysan joojinaynin garab istaaga halgankooda & u hiilinta shacbigooda dulman
C) Ururku waxuu balanqaadayaa inuu dacwadaha uu kusoo oogayo cidkasta oo danbi ka gashay Shacbiga Somalida Ogadenoia uu ka midha dhalin doono Insha Allaah mar aan fogayna maxkamadaha qaada danbiyada shacbiga laga galay la horkeeni doono danbiilayaal ogadenia danbi ka galay
Baaq
A) Ururka Dhalinyarada Somalida Ogadenia ee OYL waxuu ugu baaqayaa dhamaan aduunwaynaha jecel nabada & xoriyda inay fara galin dhanwalba leh ka gaystaan arimaha ogadenia ee kasii daraya
B) Ururku waxuu ugu baaqayaa hay’adaha caalamka ee deeqda bixiya iyo NGO inay taageero deg,deg ah la gaaraan shacbiga Somalida Ogadenia ee Ciidamada Ethiopia halaakaysay
C) Ururku waxuu ugu baaqayaa cidkasta oo lug kuleh dhibaatada Somalida Ogadenia gumasigu kuhayo si dhakhso ah uga waantawdo isuguna dhiibto shacbiga Somalida Ogadenia inta aan danbiyadiisa loogu qaadin
D) Ururka OYL Waxuu shacbiga somalida ogadenia ugu baaqayaa inay u adkaystaan xasuuqa & cadaadiska uu gumaysigu kuhayo si uusan danaha uu cadaadiska keenay ugaarin
Gabo Gabo
Hogaanka sare ee ururka Ogaden Youth League & Hogaanada Ururada Hoosaadyada iyo xubnaha dhalinyarada Ogadenia waxay ugu bishaaraynayaan shacbiga Somalida Ogadenia inay hiil& hooba la garab taagan yihiin oo habeen & maalinba aanay ka seexan doonin soo afjarida gumeysiga asaageen inaga reebay. Waxay idiin soo jeedinayaa inaad ka caawisaan wax kasta oo horumar ururka u ah si dhakhso loo gaaro rabitaankeena.
Midnimo, Cadaalad, Horumarin Jiritaanka umadeena
Shirwaynihii 2aad ee Ururka ogaden Youth League
WWW.ogadenyouth.org ogadenyl@gmail.com |