|

SHIR Baladhan oo Ururka OYN isugu Yimideen.
Maanta oo taariikhdu ahayd 2/27/2010 ayaa shir balaadhan waxaa isugu yimid ururka dhalinyarada ee afka qalaad lagu yiraahdo Ogaden Youth Network ama (OYN) ee gobolka Minnesota.
 
waxaa kasoo qayb galay dhalinyaro aad ufara badan oo ka kala socotay magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St poul, iyo nawaaxigooda ee uu ka koobanyahay gobolka Minnesota sida; St, Cloud, Wilmar, Rochester, Faribault, iyo Owatana.
shirkan oo ay dhalinyaradu isugu yimaadeen ayaa waxaa looga arinsanayay sidii loogu gogol xaadhi lahaa shirkaha Ogaden Youth Network ee lagu qaban doono Gobolkan Minnesota bisha March 13/ 2010ka. Falanqayn dheer kadib waxaa la sameeyay hawl qaybsi balaadhan oo loo kala qaybsaday dhamaan xaafadaha iyo degmooyinka kala duwan ee gobolkan Minnesota ay dhalinyaradu kaga hawl gali lahaayeen shirwaynaha kahor.
  
shir waynahan oo aad looga sugayo gobolkan minnesota ayaa waxa kasoo qayb gali doona dhamaan ururka dhalinyarada OYN ee Waqooyiga America meelkasta oo ay ka dhisanyihiin.
 sida; Canada, California, Colorado, Seattle, Minnesota, north Dakota, Main, Ohio, Nebraska iyo dhamaan gobolada kale ee ka koobanyahay waqooyiga America. gaba gabadii shirkan ayay ururka dhalinyaraduu kusoo xireen shirkii suugaan kala duwan oo ka kooban Gabayo iyo heeso wadani ahba. ururada dhalinyarada ee udhalatay wadanka Ogadeniaa ayaa meelkasta oo ay joogaanba gacmaha is qabsaday kana midoobay in guumaysigu dhulkooda haysto.
By Rooble .
haqadh@gmail.com |