Geedkaad abuurataad mirihiisa gurataa  !!

Wariyaha cariga mareykanka uga soo warama golaha qurbajoogta jubooyinka ayaa wuxuu noo soo diray soo dhaweyntii qaran ee proff. gaandi  loogu sameyay magaalada mataanaha ee statka minisota.

 Prof Gaandi iyo wafdigiisa waxaa airporka si aad u heer sareysa ugu soo dhaweeyay qurbajoogta jubooyinka  oo sugi la,aa inay mar uun arkaan halyayga u kacay shacabka jubbaland, soo dhaweyntii kadib waxaa proff. gaandi loo qaaday hotel ay ku casuman yihiin marti sharaf oo casho  loo sameeyay kuwaas oo isugu jiray wasiiro dowladii soomaaliya,ugaasyo, jeneraalo, iyo aqoonyahano ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada.

Cashadii kadib ayaa  dalkii soomaaliya guud ahaan iyo jubooyinka iyo gedo gaar ahaan waxaa warbixin kasiiyay marti sharaftii proff.gaandi, warbixinta oo taabanaysay xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay dalka ,aad ayay  ka soo qayb galayaashu ula dheceen sida xikmada leh ee uu proff ku u sharxay una qeexay dhibka soomaalida iyo jubooyinka gaar ahaan , waxaa kale oo shirka ka hadlay wasiirkii hore ee gaashaandhiga soomaaliya  xuseen mataan, jenaraal qaadi, iyo gudoomiyaha odeyada minisota maxamud canshuur.

Shirkii iyo casho sharaftii ayaa waxay ku dhamaatay si aad u wanaagsan,proffkana ku reebi karta dareenka in uu dadkiisa iyo dalkiisa u hiiliyo, waxa sidaas loogu sharfayana ayna ahayn wax kale ee ay tahay dareenkii wanaagsanaa ee uu dadkiisa iyo dalkiisa u muujiyay. meesha siyaasin badan oo reer jubbaland ah markay minisota yimaadaan cidi ayna ka warqabin.

Wariyaha golaha qurbajoogta jubooyinka ee cariga mareykanka ayaa wuxuu noo soo sheegay in xaflad jubbaland tii ugu waynad abid caawa oo ay taariikhdu tahay 10.07.2010 ay ka dhici doonto minisota xafladaas oo ay kasoo qaybgeli doonaan dhamaan bulshada soomaaliyeed ee minisota.

xigasho: www.jubbalanddf.net

 

hanqadh@gmail.com