|
  
Analyses: Qarniga 21aad Qamiis & Qabiil maxaa isu Galay? qormadan cajiibka ah waxaan kaga hadli doona fadeexadanaha ay dhextiibanayaan afraada lulmeysan ee uu dhaga la,aanta qabiilka iyo jahligu madax maray.
Waxaa ugu yaab badneyd markii aan maqaalo ku arkay baro internett oo ay kuyaalaan shir iyo maamul beesha absame sameysatay, oo ay horboodayaan kooxdii al-itaxaad ee ajo gudhay oo shaadhkii hore markuu ka wasakhoobay ilaahayna xumaheedii ku soo fashiliyay, ayay waxay bilowday in ay eegana isku daydo in ay wasakheyso magaca beesha absame haday u suurto gasho.
 
Ilo xog ogaal ah oo aan wareysanay ayaa noo sheegay in kooxdan dabada ka riixayaan lacagta shirkana ay bixisay safaarada itoobiya, si shacabka soomaalida ogaadeenya ee xornimodoonka ah ee south afrika loo qolo qoleeyo.
 
Waxaa ugu yaab badney markii aan arkey beesha absame oo shir isugu timid iyo qarniga lamarayo ee aduunkii beel iska daayee xataa wadan kaligii meel taagnaan karin, in jeebka lagala soo baxo beel sharaf badan oo waligeed jaajuusnimo iyo dal iibsasho ayna caado iyo dhaqanba u ahayn, waxayse kasii foolxumeyd markii dadka qarniga 21aad qabiilka iyo qabyaalada u guuraya aan ku arkey iyakoo qamiis qaba astaantii sunadana leh. miyey hillmaameen hadalkii nabigeena suubanee ee ahaa( dacuuhaa fa inahaa mumtirah) ka taga qabiilka iyo qabyaalda waa qudhune?.
 
Bulshada soomaalida ogaadeenya maanta waxaan ku jiraa kala guur sidaa darteed gumeysiga iyo kal kaalka iyo kuwa la shiraya intaba sida qori xaar leh aan isaga fogeeyno hadii aan sharaf iyo xornimo rabno.
waxaan marag madoon ah afraada shaqada ka dhigtay u shaqaynta gumeysiga iyo xagal daacinta danta guud ee shacabka ogaadeenya in lagaadhay maalinkii laydin dacayi lahaa hadii aydaan ka waantoobin faldambiyeedyada aan tugreega iyo camiishiisa ku raali galineysaan.
F.g. Sawirada ma akhrin taqaanaa? jawaabta oo dhan iyagayku qoran tahay dadkan waxa ay yihiin.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.
hanqadh@gmail.com
|