|

Qiso Naxdin leh.
Todobaadkii aynu kasoo gudubnay waxaa degmada awaare oo katirsan G/jarar, kadhacday arin argagaxle oo amakaag kunoqotay dadkii kudhaqnaa degmadaas iyo nawaaxigeeda, qisadiina waxay udhacday sidatan: ardo faarax sangaab, oo ah hooyo ay ciidama gumesiga ethiopia mudo bil kahor ah kasoo xidheen tuulada baarta oo katirsan degmada awaare iyadoo waxogaa bagaash ah halkaa ku iibinjirtay si ay nolosha qoyskeeda udabarto ayaa wuxuu hada abees kucuney qol ama guri duug ah oo ay ciidamada gumaysigu kuxabiseen.
Intuusan abeesku cunin kahor 2 habeen ayay haweenaydu kasoo dacwootay inuu guriga abees kujiro, kadib markay aragtay isagoo jiir cunaya, waxaase loogu jawaabay "kujir guriga mana hadli kartit! " habeenkii labaad ayay aragtay abeeskii oo kujira bustihii ay dhaxanta kahuwanayd intay bustihii kuduuduubtay ayay qaylisay loomase jawaabin ilaa intay qoraxdu kasoobaxaysay markay albaabkii kafureen ayay dibada usoo booday abeeskiina wuxuu galay god uu guriga dhexdiisa ku lahaa isagoo cadhaysan, Ardo waxay kacodsatay ciidankii gumeysiga & kuwo dabadhilif ah oo lajoogayba inaan guriga lagu celin ama abeeska laga dilo, waa laga diiday waxaana lagu amray inay kunoqoto guriga.
Ardo-na way diiday waxayna kutidhi "idinkuba halkan igu toogta intuu abesku icunilahaa" kadib waxaa isugu tagay 4 askari waxayna siqasab ah ugu celiyeen gurigii dusha ayaana lagaga xidhay, habeenkii sadexaad 12:30 daqiiqo xili saqdhexe ah ayuu abeeskii oo ladiilalyaysan canbuskii iyo cadhadii xalay wuxu sooweeraray ardo oon qudheedu hurdo seexanin cabsi ay kaqabto awgeed.
(inaalil-laahi wa inaa ileyhi raajicuun) intaa wixii kadanbeeyay waxaa socday dagaal udhexeeyey hooyo ardo faarax iyo abeeskii, wuxuuna kacunay inta udhaxaysa misigta ilaa lowga ama xagasha lugta midig, inkastay qaylinaysay habeenkii oo dhan hadana looma jixin-jixin markay aragtay arxandarada meesha taala iyo abeeska cunaya, ayay intay gacanta kuqabatay abeeskii gidaarka ladhacday halkasbuu abeeskii kudhintay, hooyo ardo farax waxay dhaawac iyo maxbuusku tahay Awaare,!!!
WQ/suhayb
hanqadh@gmail.com
|