Waligaa  ma daawatay ama ma garan kartaa sida riwaayadaha beenta ah loo jilo? sawiradan hoose waxay kuu muujin doonaan kadeedka iyo sheeko xariirta ay jilayaan kooxdii soomaaligalbeed isugu yeedhi jirtay.

sawirka koowaad: waxaa naloo soo sawiray ibraahim dheere oo kursigii gudoomiyaha ku fadhiya meesha gudoomiyihii gobolka xukumayayna kursigii martida uu ku fadhiyo, suaasha in lays weydiiyo u baahan waa maxay tahay ujeedada ka dambeysa sawirkan? jawaabtu way iska cadahay waxaa la rabaa in dadka soomaalida ogaadeenya sheeko xariir loo jilo aan lugo lahayn si halgankooda mira dhalay loo dhiciseeyo, waxaa naloo soo sawiray kumbuyuutar iyo kuraas iyo xafiis xardhan iyadoo la doonayo in dadka loo tuso in itoobiya dadka u ogashahay in dalkooda si nabad ah ugu noolaadaan, inaga oo og in jeel ogaadeen iyo dhamaan jeelasha soomaalida ogaadeenya ay hooyooyinka ogaadeenya ciqaab maalin walba ugu dhintaan iyo silic, sawirkan waxaa ka muuqdan in tigreegu u yeedhiyay sida loo fadhiisan kaamarda sida ay usoo dhowri iyo webebka maangaabka ah ee loo diri lahaa intaba ujeedadana waa in wax magaratada soomaalida ogaadeenya lagu siro.

sawirada labaad iyo sadexaad: waa gudoomiye kale oo kursigiisii la siiyay ibraahim dheere ujeedkuna wuu iska cadyahay waa hoosaasin iyo in shacabka ogaadeenya la hoosaasiyo waxayn u badan tahay in ibraahim dheere raali ka ahayn laakiin loo yeedhinayay oo lagu qasbay in sawiradan uu galo oo sidan loo isticmaalo sida aad indhahooda ka akhrisan kartaanba ama hadii aad eegto sida ay gacmahooda yihiin waxay muujinayaan in ayna ku qanacsanayn sida ay ku sugan yihiin.

sawirka afaraad iyo shanaad: labadan sawir waxay muujinayaan dad saf ayna raali ka ahayn la galiyay, sida ay u eegayaan sawirka wax farxad ahna uga muuqan wajiyadooda ibraahim dheerana labada gacmood isu dhaafsadey waxay ka markhaati kacaysaa in ay dhamaantoodba ay yihiin dhibanayaal uu ka faaiideysanayo wayaanaha si qadiyadeena soo dhawaatay loogu burburiyo sida gumeystuhu is leeyahay.

soomaalida ogaadeenyaay ha ku sirmina wiilashiinan la haystaha ah ee gumeystuhu bahdilka, shirinta, iyo sawir qaadka iyo idaacada in ay qadiyadooda ku burburiyaan lagu amrayo.

maantana waxaa soomaalida ogaadeenya lagudboon in aynaan ilduufin dhuuni qaate iyo jaajuusna aynaan dhag jalaq usiin.

daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida.

 

hanqadh@gmail.com