Riwaayadii Oyn Sandiego oo Guul ku dhamaatay.

 

 Waxa  18 kii bishan July magaalada San diego lagu soo bandhigay riwaayad aad looga soo shaqeeyey oo dhalin yarada OYN San diego ku soo farayareysteen. Riwaayadan oo ahayd mid si aad iyo aad looga heley ayaa waxaa madashii lagu dhigayey soo buuxiyey boqolaal dad ah oo isugu jirey dad waaweyn, dhalin yaro iyo caruur yar yar ba. Riwaayadan ayaan anigu shaqsi ahaan odhan karaa waxay ahayd riwaayaddii ugu fiicnayd marka laga eego dhinac kasta ee qurbaha lagu dhigo oo ay soo diyaariyaan dhalinta OYN.

Runtii riwaadani waa mid dadku jeclaysan doonaan ka dib markey daawadaan. Laakiin waa mid u baahan in qofkastaa indhihiisa ku arko. Ilaa aad indhahaaga ku aragtid kama dhargi kartid riwaayadan.

Dhab ahaan riwaayadani waa mid isu dheeli tiran, dhinaca murtida, qosolka, guubaabada iyo heesahaba. Waxaa kale ood riwaayadan ku arki doontaa dhaantooyin ku qiiro galiya iyo heeso dhiigaaga kiciya. Sikastaba ha ahaatee waxaan lee yahay ha moogaan riwaayadan oo mustaq balka dhow si live ah looga dhigi doono meelo badan oo ay ka mid tahay Minnepolis, Minnesota


Ali Yare
San diego
Alyare2002@yahoo.com

hanqadh@gmail.com