|
Rusushii Adoonsiga.

Nimankan ay murugada iyo fadhi xumadu ka muuqato waa dabaqoodhiga cusub ee kitaabka tiirayay amarka iyo waligana ka dhigtay tafare iyo tadhase,waxay sheegaan in ay heshiis galeen waxayse xaqiiqdu tahay in si niyad ah u qaateen adoonsiga wayaanaha.
Ilaa iyo maalinkay tageen maxaa faaiido oo lataaban oo ay keeneen?
Waxaa faaiido ah oo ay gaareen majirto laakiin waxay ku dhaceen dabinkii gumeysiga waxaa lasiiyay hawl maalmeedkii ay gumeysiga ugu shaqaynlahaayeen, waxaa loo kala diray dhamaan gobolada dalka iyo gobolada soomaaliya si ay kitaabka si khaldan ugu turjumaan.
Waxay noqdeen rusii gumeysiga natiijada waxay wadaana waa in dadka ogaadeenya intay hubka dhigaan dhulka iyakoo nool laga moora duugo, waxay rabaan sidii ay beesha absame dhulkeedii alshabaab iyo waxii lamid ah gacanta ugu galiyeen ee eegana ay ogaadeenya rabaan inay ugu galiyaan, waa duul aan wax odorosi karaynin, waxoodoo dhan waxay ku salaysan tahay xintan iyo aragti gaaban oo ayna garanaynin waxay dhaxalsiin doonto.
Maxaa la gudboon soomaalida ogaadeenya?
Soomaalida ogaadeenyaay maanta ha ilduufin, maanta ragan aad sawiradooda aragtaan foolxumada ka muuqata ha u ilduufin.

Soomaalida ogaadeenyaay kala dooro gunimo aan jiritaan dambe lahayn oo dhulkaagoo dhan wayaane la dhaxal wareegi adigana aad geeska afrika gaaweeto leey ugu noolaan ama intaad halgankiina hana qaaday ku daba fayshaan aad ka mira dhalilisaan, wayaane waxa maanta nabadii uu waagaan ogeyn diiday ku soo celiyay waa guusha soo dhawaatay ee yaan la ilduufin, ciyaalka qaxootiga ee caloosha wax la galiyo mooyee dal iyo dadba arag yayna idin hodin.
 
 Aynu taageerno wiilashan iyo gabdhahan ay quruxda midnimada iyo wadajirka iyo qabka dalka iyo diin jaceylku kamuuqdo rabana in dhulkooda ogaadeenya cid kale taladiisa waydiinin.
Maanta soomaalida ogaadeenya waxay taagan tahay isgoyskii gunimada iyo gobanimada dhexdiisa waana ama sharaf iyo cisi ku noolow oo halgankaaga hiil iyo hooba la garab istaag tuuga kula dhashayna meel iska saar ama baroor aan dhamaad lahayn iyo shalaay ku noolow oo koorta adoonsiga ee gumeysiga ee beenta ah dabagal.
daljir999@hotmail.com tafatiraha arimaha soomaalida
hanqadh@gmail.com |