Safaarada mareykankan oo sheegtay in ceel biyoodyo laga sahamin doono ogaadeenya

War Saxaafadeed ay soo saartay Safaarada Maraykanka ee Ethiopia

Warsaxaafadeed ka soo baxay safaarada Maraykanka ee Ethiopia ayay Safaaradu daaha kaga rogtay inay khubaro Maraykan ah oo ku xeeldheer culuumta biyaha ay wadaan dadaalo biyo lagaga baadhayo gudaha Ogadenya. Sida war saxaafadeedkan ku cad, “bishii 1baad ee sanadkan 2009 ayay dowlada Maraykanka iyo xukuumada kaligii taliye Meles kala sixiixdeen heshiis lagu bilaabayo baadhitaanka goobaha ay ka suurtoobi karto in ceelal biyo laga qodo gudaha Ogadenya”

Qorshahan lagu doonoyo in lagu baadho Biyaha Ogadenya oo lagu wado inuu socdo ilaa sanadka 2012 ayaa waxa iska kaashanya, ciidamada Maraykanka ee ku sugan Geeska Africa, Haayada Marykanka ah ee loo yaqaano USAID iyo Wazaarada biyaha iyo macdanta ee maamulka kaligii taliye Meles Zenawi.

Warsaxaafadeedkan ayay safaarada Maraykanku ku cadaysay, in culimada (scientists) ciidamada Maraykanka ee ka howl gala geeska Africa ay gacan ka siin doonaan culimada Ethiopia si ay aqoon dheeri ah ugu yeeshaan meelaha ay ku badanyihiin biyaha dalka Ogadenya;

“Qorshahan mudada labada sano ah socon doona waxaa uu faaiidayn doonaa in la helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan biyaha Ogadenya. Baadhitaanada mid ka mid ah waxaa lagu ogaan doonaa hanaan samaysinka biyaha iyo mareenada daadka biyaha xiliyada roobabowga ah iyo xiliyada abaaraha ah”.

Bayaankan ayay Safaarda Maraykanku ku sheegtay inay adeegsan doonto aallada Satellite ka si aanu u helo bay tidhi saafrada Maraykanku macluumaad wax ku ool ah oo sahla dadaaladan loogu jiro baadhitaanka biyaha Ogadenya.

Sida war saxaafadeedka ku cad, ciidamada Maraykanka ee ka holwgala Geeska Afrika ayaa dadaalkan ay ku baadhyaan biyaha Ogadenya kuwo la mid ah ka fuliyay wadamada kala ah Djibouti iyo Kenya hadana lafilayaa inay ka fuliyaan Ogadenya.

xigasho. ona

 

hanqadh@hanqadh.com